Qorshe ka dhan ah Jawaari iyo xildhibaanada taabacsan oo Muqdisho ka socda

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin ka tirsan DFS ay wadaan abaabulka Banaanbaxyo looga soo horjeedo Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ee dacwada ka keenay Xukuumada cusub.

Abaabulka Banaanbaxa ayaa waxaa qeyb ka ah Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana lasoo sheegayaa in lagu diidan yahay faragalinta Gud. Jawaari uu ku hayo Golaha Wasiirada Xukuumada cusub.

Banaanbaxa ayaa waxaa loo diyaarinayaa shacab aad u farabadan oo kamid ah Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo kuwaa oo muujin doona diidmadooda ku aadan faragalinta lagu hayo Xukuumada Kheyre.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah xubanaha baarlamaanka ee wada Mooshinka ka dhanka ah xukumada cusub ayaa sheegay in la abaabulayo banaanbaxyo la’isaga horkeenayo shacabka iyo baarlamaanka.

Xil. Dhaqtar waxaa uu shegay in 105 Xildhibaan oo ka tirsan BFS ay ka mideysan yihiin arinta Mooshinka ka dhanka ah xukuumada cusub, oo uu tilmaamay in loo soo magacaabay xukuumada qaab aan waafaqsaneen aragtida awood qeybsiga.

Geesta kale, waxa uu Xildhibaanka ka digay in DFS ay isticmaasho awooda Shacabka, waxa uuna ku baaqay in la dadajiyo isbedel ku sameynta Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com