26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Qoys Soomaaliyeed oo Sacuudiga ugu dhintay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jidda (Caasimada Online) – Wargeys kasoo baxa dalka Sacuudiga ayaa qoray in qoys Soomaali ah oo ka kooban seddex caruur ah, aabahood iyo hooyadood iney ku dhinteen dalka Sacuudiga.

Dab ka kacay dhisme ay dadkaasi ku sugnaayeen ayaa la sheegay inuu sababay in caruurta ay u dhintaan hawo la’aan iyo goob ay ka baxsadaan oo ay waayeen, sida wargeyska uu qoray.

Caruurta ayaa la sheegay iney ku sugnaayeen qeybta hoose ee dhismaha oo ku yaala deegaan ku yaala Duleedka magaalada Jiddah ee dalka boqortooyada Sacuudiga.

Lama oga waxyaabaha keenay in dabka uu ka kaco dhismaha dadkaasi ku sugnaayeen, waxaana socdo baaritaano ay sameynayaan laamaha amaanka ee magaalada Jiddah.

Lamaanaha Soomaalida ayaa iyagana kus ugnaa qeybta sare ee dhismaha, waxaana loogu tagay guriga iyaga oo u dhintay dabka guriga ka kacay.

Kooxda gurmadka madiga ee magaalada dabka uu ka kacay ayaa isku dayay shanta ruux ee Soomaalida badbaadiyaan, balse waxay guriga tageen caruurta iyo waalidiintooda oo geeriyooday.

Ciidamada badbaadada isku dayay ayaa tuhun weyn ka qaaday dabka guriga ka kacay, maadaama la tagay dhismaha oo ku xiran dadka Soomaaliyeed.

Dalka Sacuudiga waxaa ku nool Soomaali badan oo qaarkood six un loogu jirdilo dalka Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Sacuudiga
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News