Qoyska Axmed Dowlo oo mowqif aan la fileyn ka qaatay xukunkii maanta dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehelada Qoyska Axmed Dowlo ayaa ka hadlay xukunka maxkamadda gobolka Banaadir maanta ay ku riday dadkii ka dambeeyay dilkii Axmed Dowlo sanadkii 2018 ka dhacay magaalada Muqdisho.

Maxamed Mukhtaar Saalax oo ah ruux la dhashay Axmed Dowlo ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn xukunta, kadib markii sida uu sheegay in qaar kamid ah dadkii falka geystay aysan kasoo muuqan maxkamadda.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ruux la rumeysan yahay inay Baangadda (Maqarka) madaxa kaga garaacday walaalkii ay ka maqneyd maxkamadda, islamarkaana aysan xirneyn oo magaalada ay iska joogto sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Saalax, ayaa sheegay in maxkamadda ay sidoo kale ka maqnaayeen dad ay tuhunsan yihiin inay kiiska lagu dilay walaalkii ay door weyn ku lahaayeen.

Arinta kale ee keentay inay ku qanci waayaan xukunka ayuu ku sheegay inay tahay in reerka la xukumay ay qaadan doonaan racfaan, kadibna xukunka laga qafiifin doono, sida ay xogta ku heleen, sida uu hadalka u dhigay.

Marxuum Axmed Dowlo ayaa si xun loogu dilay magaalada Muqdishoo bishii Sagaalaad ee sanadkii 2018, waxaana aad looga hadal hayay baraha Bulshada.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku riday seddex kamid ah todobo ruux oo kiiskaasi loo heystay, waxaana lasii daayay afar kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com