R/W Kheyre oo hal arrin ku amaanay Michael Keating 

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in kaalin weyn ay QM ka qaadatay qaboojinta colaada ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in Ergayga QM u qaabilsan Somali Michael Keating uu u dhabar adeegay xalinta colaada, balse aanu wali si rasmi ah loo xalin dagaalka.

Waxa uu Mr Kheyre cadeeyay in Michael Keating iyo xubnaha kale ee QM ka jooga Somalia ay yihiin kuwo u dhexeeya magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, iyadoo uu ujeedku yahay sida looga gudbi lahaa colaada Tukaraq.

“QM wey qaadatay kaalinteeda waxaanu culeyska ku saarnay inay xal degdeg ah ka dhex abuuran labada dhinac, anaguna dhankeena ayaan ka wadnay, xal toosa wali lagama gaarin colaada balse waxaa noo muuqda in leysku fahmay joojinta colaada”

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in colaada Tukaraq uu xalkeeda gaaray 90% halka inta harsan ay ku dadaali doonaan sida lagu dhameystiri lahaa.

Si kastaba ha ahaatee, Kheyre ayaa hadalkaan ka sheegay warbixin kooban oo uu ka bixinaayay safarkiisa magaalada Garoowe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com