Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dhanka Xafiiska Raโisul wasaraha Xukuumada Somalia ayaa sheegaya in Kheyre uu wado qorsho maxkamad lagu soo taagayo Saraakiil ka tirsan Hayโadda amaanka dalka.
Raโisul wasaare Kheyre ayaa la sheegay in si hordhac ah uu qorshahaani latashi kala sameeyay Taliyayaal ka kala tirsan Hayโadda amaanka kuwaa oo qudhooda aan la dhacsaneyn Saraakiisha qaar.
Saraakiisha uu Raโisul wasaare Kheyre la damacsan yahay maxkamadeynta ayaa loo heystaa tuhuno la xiriira ku lug lahaanshiyaha Qaraxyo dhowr ah oo dhacay.
Qaar kamid ah Saraakiish ayaa loo heystaa amar diido ka dhan ah Taliyayaashood, halka qaarna ay ka macaashan Hubka ciidanka loogu tallo galay oo ay iibsadan.
Raโisul wasaare Kheyre oo iminka lagu wareejiyay liiska tiro Saraakiil ah ayaa doonaya in kiisaska musuqa ee loo xiraayo Wasiir ku-xigeenada iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha ay qeyb ka noqdan Saraakiisha, waxa uuna rumeysan yahay in amniga dalka uusan wanaagsanaan doonin iyadoo aan la arag Saraakiil iyo ciidamo uu xukun ku dhacaayo.
Sidoo kale, Kheyre ayaa horay u sheegay in mudada ay hayaan xilka ay si weyn ula dagaalami doonaan waxa uu ugu yeeray musuqa ragaadiyay Somalia.
Arrintan ayaa imaaneysa xili masโuuliyiin dhowr ah ay u xiran yihiin falal ay kamid yihiin musuqa hanta Qaran iyo mid shacab.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho