Muxuu Salaad Cali jeele ka yiri wararka sheegaya in DFS ay siiso dhaqaale?

Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Siyaasiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha ku khasbay inuu taageero dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Salaad Cali Jeelle oo u waramaayay telefashinka Dalsan ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee uu u taageeray dowlada hadda jirta ay tahay inay ka fogaatay waxyaabihii lagu dhaliili jiray dowladii hore.

Salaad Cali, waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ee hadda jirta ay inta badan xooga saarto baahiyaha Shacabka iyo qabashada howlaha loo igmado, taasina ay ku khasabtay in la taageero, sida uu hadalka u dhigay.

Salaad Cali oo wax laga weydiiyay waxa ay ku kala duwan yihiin dowladii hore ee uu mucaaradka ku ahaa iyo dowladani, ayaa sheegay in Dowladii Xasan Sheekh uu ku ahaa mucaarad isaga oo sabab ka dhigay inay caqabad ku aheyd xisbigiisa iyo arrimo kale oo u gaar ahaa.

Salaad Cali oo wax laga weydiiyay wararka sheegaya in dowlada Somalia ee hadda jirta uu ku taageeray lacago joogta ah oo bil waliba ay siiso ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid ay faafiyeen mucaaradka iyo kuwo uu ku tilmaamay Qaran dumis.

Waxa uu sheegay inay jiraan dad Qaran dumis ah oo sida ay doonaan u dhiga hadalka, hase yeeshe waxa uu tilmaamay inaanu xaqiiq aheyn warkaasi, waxa uuna isku sifeeyay inuu yahay wadani.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa  “Runtii dadka Soomaaliyed labo ayay u qeybsan yihiin, hadii adiga aad wadani noqoto dad qaran dumis ah ayaa dadka Soomaaliyeed waxay dhahayaan Wadani, qaar wanaagsana oo wadaniyiina oo dalkaan qaranimadiisa doonayana,waxaa dhici karta in qaladaad loo yeelo, aniga mar ayaan mucaarad ku ahaa dowladii Xasan oo waxay isbaaro u dhigatay xisbiyada Siyaasadeed”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay mudan tahay in lala shaqeeyo, isaga oo carab dhabay in Somalia aysan xiligaan u baahneyn dhibaato.

Geesta kale, Salaad Cali waxa uu sheegay inay u muuqato rajo wanaagsan oo ka dhalankarta dadaalka ay wado dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com