R/W Rooble oo ballan-qaad ka sameeyey xil cusub oo uu soo magacaabi doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay ayaa shaaca ka qaaday lix arrimood uu mudnaanta koowaad siin doono, isla markaana ay xukuumadiisa cusub ay ka dhabeyn doonto.

Rooble ayaa xusay in arrimaha Amniga, Doorashooyinka, Horumarinta Dhaqaalaha, Caddaaladda iyo Adeegga Bulshada, ay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee xiligan ay xooga saari doonto xukuumadda uu hogaaminayo.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaaraha ayaa ku dhawaaqay inuu soo magacaabi doono khabiir sharci oo baaris iyo dabagal ku sameyn doona tacadiyada jinsiga ah ee ka dhanka Haweenka.

Khabiirkaasi ayaa waxa uu dabagal iyo baaris qoto dheer ku sameyn doona kufsiga lagula kaco haweenka iyo caruurta, kaasi oo muddooyinkii dambe kusoo badanayay caasimada iyo gobolada kale ee dalka.

Rooble ayaa magacaabistaasi sameyn doona, isaga oo gacan ka helaya hay’addaha cadaalada dalka, midaasi oo qeyb ka ah tallaabooyinka ay xukuumadiisu kula dagaalameyso fal-dambiyeedyada noocaas ah.

“Waxaan soo magacaabi doonaa khabiir sharci oo gaar ah oo xil weyn iska saara baarista iyo la dagaalanka tacadiyada Jinsiga (Kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, si uu ugala shaqeeyo hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaanu qaadi doonnaa tallaabo kasta oo ku habboon oo lagula dagaallamo fal- dambiyeedyada noocaas ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa kusoo aadaya xili uu dalku marayo marxalad xasaasiya, isla markaana ay taagan-yihiin arrimo badan oo wax ka qabasho u baahan, iyada oo ay weliba hortaalo qabsoomida doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii Villa Somalia.