26.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

R/W Xamza oo aan weli ka quusan dagaalka Jubaland

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale dib usoo rogaal celisay xiisadda dagaal ee u dhexeysa dawladda federaalka Soomaaliya iyo Jubaland, waxaana haatan si weyn looga dareemay gobolka Gedo oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Xiisadda ayaa kasii dartay, kadib markii tallaabooyin milatari oo dheeraad ah ay qaaday dalwadda dhexe, waxayan dhaq-dhaqaaq ciidan iyo mid siyaasadeed ay ka bilowday degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay xiisadda soo cusboonaatay ee dawladda federaalka iyo Jubaland, isaga oo walaac xooggan ka muujiyay qorshaha xukuumadda Xamza ee ku aadan gobolka Gedo.

Sanayre oo qoraal kooban soo dhigay bartiiisa Facebook-ga ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barrre aanu weli ka quusan dagaalka Jubaland, kadib dhibaatadii ka dhacDay magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa soo hadal qaaday arrinta Cabdirashiid Janan oo dhowaan la kulmay Xamza, kaas oo la filayo inuu hoggaamiyo qorshaha Villa Soomaaliya.

“Raisul wasaare Xamse Cabdi Barre, wali Jubaland kama uusan samir miyaa? waa kan hadba meel luqunta kasoo ridanayee. Cabdirashid Janan, ayaan dhawayd oo aan arkay wuxuu ila muuqday nin cafimaad qabee ma cuqubaa ku dhacday?” ayuu yiri Sanyare.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo mar kale dawladda dhexe ay bilowday inay ciidamo u daabusho gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beledxaawo, iyada oo ujeedka uu yahay  in ciidamadaas lagu xoojiyo kuwii horay u joogay degmadaasi, loogana hortago dhaq-dhaqaaq ay dhankooda halkaas ka bilaabeen ciidamada Daraawiishta maamulka Jubaland.

Wararka ayaa sheegaya in Daraawiishta Jubaland ay saldhigyo cusub ka sameysteen qaybo kamid ah Beledxaawo, sidoo kalena ay kusoo dhawaadeen garoonka diyaaradaha degmadaas oo ay inta badan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisadda loo dareemaa marka gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

- Advertisement -

Read more

Local News