29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Sawirro: R/W Xamza oo la wareegay guddoonka shirka Gogosha Wadatashiga

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey Gogosha Wadatashiga Qaran oo maalintii labaad ka socota Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirka uga warbixiyey Siyaasadda Xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan dhinacyada midnimada, amniga, doorashooyinka, dhammeystirka Dastuurka, dowlad-dhiska dalka, horumarinta dhaqaalaha, iyo Qorshaha Qaran ee (NTP).

Mudane Xamza ayaa tilmaamay in dalkeennu uu marayo marxalad muhiim ah oo loo baahan yahay in la adkeeyo wadajirka ummadda, si looga gudbo caqabadaha jira, isla markaana xal maangal ah loogu helo wax walba oo khilaaf ah.

“Soomaaliya waxa ay maraysa xilligii loo guuri lahaa siyaasad ku dhisan mabaaddi, fursadna loo siin lahaa in muwaadinka Soomaaliyeed la doorto, waxna uu doorto, gogoshan waa gogol aan cidna laga tagin, waxaanna laga qeybgaliyey dhammaan qeybaha bulshada, waxaa jooga dhammaan dadkii doonayey in ay hoggaanka qabtaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Sidoo kale wuxuu u soo jeediyey ummadda Soomaaliyeed in ay u midoobaan ciribtirka Khawaarijta, hirgalinta doorashooyinka iyo qorsheyaasha waaweyn ee muhiimka u ah ee dowlad-dhiska dalkeenna.

“Caqabadaha na hortaaggan ma fududa, howsha noo taallana ma yara, dhinac waxaan ka wajahaynaa cadow halis ku ah diinteenna, dhaqankeenna, dowladnimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Waxa uu intaas kusii daray “Dhinaca kale waxaan ka wadnaa dhisidda dowlad dimuqraadi ah, oo leh dastuur dhammeystiran, iyo xaqiijinta midnimada iyo gobonnimada dalkeenna, sidaas darteed; gacanna cadowgeenna ayaan kula dagaaleynaa, gacanna Qaranka ayaan ku dhisaynaa.”

Gogosha Wadatashiga Qaran oo maalintii labaad ka socota magaalada Muqdisho ayaa waxaan ka qeyb-gelin siyaasiyiinta mucaaradka oo qeyb ka yihiin madaxdii horw ee dalka, kuwaas oo qaadacay shirkan, iyagoo hoggaanka sare ee dalka ku eedeeyay in uusan daacad ka aheyn wada-hadal xal looga gaarayo arrimaha taagan.

- Advertisement -

Read more

Local News