Ra’iisul Wasaare Xamza oo shaaciyey in lasoo afjaray dagaalkii dowlad deegaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay dagaalkii ay Al-Shabaab la galeen ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka.

Xamza Cabdi Barre ayaa ku dhowaaqay in lasoo afjaray dagaalkii maalmahaan ka socday xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay in laga adkaaday kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in ciidamada deegaanka iyo shacabka oo iskaashanaya ay cashir u dhigeen Al-Shabaab, isla-markaana ay dhowr beri ku soo afjareen dagaalka.

Sababta keentay guusha waxa uu ku sheegay isku xirnaanta iyo taageerada ay ciidamada siiyeen shacabka deegaannadaas oo ay ugu horreeyaan gabdhaha Soomaaliyeed.

“Tusaalaha cusub waxaa waayey deegaankan Soomaalida waad ogtihiin weerar ayaa lagu qaaday sow maaha?, dhowr beri ayey kusoo afjareen kuwii ugu darnaa. Sababta ma taqaanaa waxaa waayey gabdhihii Soomaaliyeed carigaa jooga ayaa soo gurmaday,” ayuu yiri.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa caddeeyey in xukuumaddiisa ay xooga saari doonto amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna baaq u diray shacabka Soomaaliyeed.

“Waxba ma qaban karno haddeyna amniga sugin, amniga marka waxaan ku sugi karnaa inaan kuligeen ka shaqeyno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey ra’iisul wasaare Xamza.

Si kastaba, xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka dowlad deegaanka waday dadaallo xoogan, waxayna gurmad u dirtay dagaannada lagu diriray ee ku yaalla xaduuda ay wadaagaan dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.