R/W Xamza oo shaaciyey kaalinta xisbiga UPD ee golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa ka hadlay dhismaha xukuumaddiisa cusub iyo sida uu u wajahayo xubnaha golihiisa wasiirada.

Xamza ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh, isla-markaana awood u yeelata  inay fuliso ajendaha waa weyn ee horyaalla xukuumaddiisa.

“Xukuumaddeyda waxa ay noqon doontaa xukuumad tayo leh waxaan kusoo xulan doonaa, haddii Ilaah yiraahdo hufnaanta, kartida iyo aqoonta, waxaana rajeynayaa inay noqoto xukuumad awood u yeelata in ay fuliso ajandaha waa weyn na horyaallo” ayuu yiri Xamza.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday kaalinta uu golaha wasiirada ku yeelan doono xisbiga UPD ee ay ka wada tirsan yihiin isaga iyo madaxweynaha, wuxuuna qiray in golihiisa ay qayb ka noqon doonaan xubno ka mid ah xisbiga iyo dad kale oo Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in xukuumaddu uu saldhig u noqon doono dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

“Xukuumadda aan soo dhisaayo waxaa asal u ah dastuurka federaalka Soomaaliya. Mida labaad anniga waxaan rumeysanahay xisbiyo sharciyeysan oo axsaab ah runtii waddanka weli kama hirgelin ururo siyaasadeed ayaa jira, marka haddii aad ka wado ururka siyaasiga ah ee madaxweynuhu guddoomiyaha ka ahaa miyaad ku ekaaneysaan maya. Dadka Soomalaiyeed ee kale Insha Allah iyo ururkaan xaaraan kama ah, laakiin dadka Soomaaliyeed waxaan rajeynayaa in in badan oo ka mid ah laga dhex arko,” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in sidoo kale xukuumaddiisa ay kasoo muuqan doonaan gabdho, isla-markaana uu muujin doono kaalinta dumarka Soomaaliyeed.

“Waxaa ku caddeynayaa inaan ku dadaali doono in gabdho iyo wiilal ay ka koobnaadaan, gabdhuhuna kaalin weyn ayey ku leeyihiin dalkaan.” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha cusub.

Xamza Cabdi oo shalay uun helay codka kalsoonida ee baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu soo magacaabo golihiisa wasiirada, sida ay ogaatay Caasimada Online, ra’iisul wasaaraha ayaa qorsheynaya inuu kordhiyo golihiisa wasiirada oo uu gaarsiiyo illaa 30 wasaaradood.