Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka Golaha Wasiirrada.
Isla xisaabtankan ayaa ku qotoma waxyaabihii u qabsoomay wasaaradaha sanadkii la soo dhaafay, iyada oo laga duulayo howlaha horutabinta u leh xukuumadda Dan-Qaran, si sare loogu qaado tayada nolosha iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.
Isla-xisaabtanka oo lagu bilaabay wasaaradaha ku mideysan Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxa ay soo bandhigeen guulaha ay xaqiijiyeen iyo qorsheyaashooda ku aaddan horumarinta dalka, iyada oo la raacayo yoolalka qorshaha isbeddelka Qaranka iyo ballanqaadyadii Waxqabad ee ay horey u wada galeen Ra’iisul Wasaaraha.
Wasaaradahan ayaa soo bandhigay waxqabadyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; kobaca dakhliga gudaha iyo hirgelinta nidaam casri ah oo maaliyadeed, fududeynta ganacsiga iyo dhiirrigelinta warshadaha, qorsheynta maalgashiyo caalami ah, horumarinta wax-soosaarka beeraha iyo nidaamyada waraabka, ilaalinta iyo maareynta kheyraadka badda, dib-u-dhiska iyo casriyeynta kaabeyaasha gaadiidka hawada, dekadaha iyo waddooyinka, barnaamijyo shaqo abuur bulsho oo lagu garab istaagayo dhallinyarada iyo bulshada ku wooda nugul.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasaaradaha waxa uu su’aallo ka weydiiyey qorshayaashooda qaranka, si loo hubiyo in ay xaqiijiyeen barnaamijyadii iyo ballan-qaadkii ay horey u saxiixeen.
Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda iyo qorshayaasha u dagsan, laguna xisaabtamayo wasaarad walba shaqada ay hayso, si bulshada Soomaaliyeed loola wadaago horumarrada la gaaray.
Xukuumadda Xamza ayaa muddadii saddexda sano ahayd ee ay jirtay waxa ay xaqiijisay guulo wax-ku ool ah iyo yoolal muhiim u ah qaranka, kuwaas oo horseeday kobac dhaqaale, horumar amni, dib-u-dhiska dalkeenna, adkaynta midnimada, iyo fududeynta adeegyada dowladda oo loo dhaweeyay shacabka, si loo gaaro horumar taabbo-gal ah.