Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho wada-hadallo xasaasi ah kula yeeshay danjiraha dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Kubai Iringo, kaas oo tegay xafiiskiisa.
Xamza iyo Kubai Iringo ayaa kulankooda uga wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka diblamaasiyadeed iyo sare u qaadida iskaashiga u dhexeeya labada dal ee dariska ah.
Ra’iisul wasaaraha oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah iyo iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga.
Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza ayaa intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya xoojinayso fulinta dhammaan heshiisyadii dhawaan labada dhinac ku gaareen magaalada Nairobi.
Dhankiisa danjiraha Kenya ee Soomaaliya ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah, islamarkaana ay muhiim tahay adkeynta iskaashiga labada dhinac.
Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxaana sii bilihii u dambeeyay sii xoogeystay iskaashiga labada dal, kadib dadaallo ay sameeyay labada dhinac.
Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa booqashooyin ku tegay magaalada Nairobi, iyaga oo kulamo iyo heshiis lasoo yeeshay madaxweynaha dalkaasi William Ruto.
Kenya ayaa sidoo kale ka qayb qaadata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo badan ay ka joogaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee Soomaaliya.