Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay agaasimeyaal cusub.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Adeegyada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, kaas oo loo magacaabay Maxamed Isaaq Cabdinuur.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu Agaasimaha Guud ee Horumarinta Waxbarashada Farsamada Gacanta iyo Xirfadaha Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda JFS u magacaabay Marwo Xabiibo Cali Maxamed.
Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo tayada iyo hannaanka maamulka Wasaaradda Waxbarashada, si loo horumariyo adeegyada waxbarasho ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa labada agaasime kula dardaarmay in ay gutaan waajibaadkooda shaqo si hufan, isla markaana muujiyaan xil-gudasho iyo daacadnimo.
Magacaabistan ayaa imaanaysa xilli Ra’iisul Wasaaraha uu muddooyinkii dambe waday isbeddello cusub oo ku aaddan xukuumadda Dan-Qaran, si loo dardargeliyo shaqada.
Maalmo ka hor, Xamza ayaa sidaan oo kale u magacaabay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Saalax Xiirey Kheyre.
Saalax ayaa horay uga tirsanaa howl-wadeennada maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan maamulka degmada Warta Nabadda, isaga oo noqday guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha bulshada iyo wacyi-gelinta degmadaas.



