Zambezia (Caasimadda Online) – Sida ay qortay BBC Ragga Bidaarta leh ee ku nool dalka Mozambique ayaa bar tilmaameed u noqday weeraro dhaqameed, waxayna booliska digniin u direyn ragga bidaarta leh inay si weyn isku ilaaliyaan.
Waxaa dalka Mozambique lagu dilay ilaa seddex nin oo bidaar leh si loo qaato qeybo kamid ah madaxooda.
Waxaa Magaalada ku taal Bartamaha Mozambique ee lagu magacaabo Milange lagu xiray laba qof oo looga shakiyey inay kamid yihiin dadka dilalkaan sameeynayo, waxaana loo gudbiyey xabsiga si loo soo taago Maxkamad.
“ Waxay aaminsan yihiin kuwa ragga bidaarta leh dilayo inay bidaartooda ku jirto dahab” sidaas waxaa yiri Afonso Dias oo ah sarkaal ka tirsan booliska Gobolka Zambezia.
Arrintaan ayaa la yaab ku noqotay dadka ku nool dalkaas iyo kuwa caalamka, waxaana is waydiin mudan sababta keentay in dadka Bidaarta leh la sheego in madaxooda ay ku jirto dahab iyadoo xusid mudan in arrintaan ay farxad gelisay rag badan oo bidaarta la dhuuman jiray.