Ra’iisul Wasaaraha cusub oo shaaciyey sida uu u wajihi doono arrinta gobolka Gedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay, tan iyo markii la magacaabay si faah faahsan uga hadlay, sida ay xukuumaddiisa u waji doonto arrinta gobolka Gedo.

Xamza oo wareysi siiyey BBC ayaa shaaca ka qaaday in arrinta Gedo ay u mari doonaan dib u heshiisiin, si looga dhabeeyo hal heeska madaxweynaha ee  Soomaali heshiis ah.

“Xukuumadda aan hoggaaminayo ee uu madaxweyne Xasan Sheekh uu madaxweynaha ka yahay bees waxaa u ah Soomaali heshiis ah, marka waa in la heshiiyaa waa in dadka degmada dhexdeeda ama tuulada joogaa ay heshiiyaan,kuwa gobolka waa inay heshiiyaan, kuwa dowladda Soomaaliyeed oo guudna waa inay heshiiyaan,” ayuu yiri Xamza Cabdi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Jubaland ay ka mid tahay meelaha uu mad-madowga ka jira isla markaana ay tallaabo kasta ay qaadayaan ay noqon doonto sidii lagu heshiin lahaa.

“Jubbaland waxay la mid tahay gobollada kale ee laga yaabo in wax uun mad-madow ah ay ka jiraan dadkeeda, waxaan hortebin ku sameyn doonaa dib u heshiisiinta iyo Soomaali heshiis ah,” ayuu markale yiri ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay taageero iyo garab istaag u muujiyaan xukuumaddiisa cusub, si dalka looga samata bixiyo xaaladda uu haatan ku jira, siiba arrinta abaaraha oo saameyn daran ku yeelatay qoysas badan oo Soomaaliyeed.

Gedo ayaa waxaa weli ka jira khilaaf salka ku haya arrimaha maamulka, waxayna ka mid aheyd waxyaabihii saameynta ku yeeshay doorashooyinkii soo dhammaaday dalka. Sidoo kale kale waxaa gobolkaas ku sugan ciidamo ay geysay dowladdii hore ee Farmaajo.

Si kastaba, arrimahaas oo dil ayaa waxaa laga sugayaa inay wax ka qabato dowladda cusub, si Jubbaland iyo arrinta Gedo xal waara loogu helo, loogana gudbo dhibaatada ay wajahayaan shacabka ku dhaqan gobolkaasi oo ay usii dheer tahay xaalad bani’aadanimo.