Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo u dhoofay Ciraaq + Qorshaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq, waxaana garoonka Aadan Cadde kasii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Sda aan horay idin-kula wadaagnay xogta safarkan wuxuu ra’iisul wasaaruhu casuumaad rasmi ah ka helay madaxda sare ee Ciraaq oo ku marti qaaday dalkaasi, si ay u wada-hadlaan.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza ayaa lagu sheegay in Xamza oo uu la kulmi dooni dhiggiisa dalka Ciraaq Maxamed Shiyaac Al-Suudaani oo ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo adkeynta iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Ciraaq, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay qoraalka “Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Baghdad waxa uu kulamo la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq iyo madaxda kale ee dalkaasi, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan”.

Sidoo kale madaxda labada waddan waxa ay si gaar ah wada-hadalladooda diiradda ugu saari doonaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo halis badan ku haya dalalka Ciraaq iyo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay safaro ku bixinayay qaar kamid ah waddamada saaxibka la ah Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay booqashadii uu dhowaan ku tegay dalka dariska ah ee Kenya.

Waxaa sidoo kale oo uu ubaxay safaro kale oo dibadeed, isaga oo ka qayb-galayay shirar caalami ah oo uu ku metalay dowladda federaalka aha ee Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan diiradda saartay horumarinta xiriirka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, ayada oo door muuqda ku leh fagaareyaasha caalamka, si ay wax ula qaybsato dalalka lamid ah ee dhiggeeda.