Ra’iisul Wasaare Rooble ma wuxuu mar kale shalay iska dhaliyey gool siyaasadeed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa badanaa lagu sheegaa inuu yahay siyaasi nasiib u leh guulaha siyaasadeed, balse marka guusha usoo gacan gasho aan xajisan karin ama sameeya khaladaad dib uga celiya.

Doorashada hoggaanka guddiga doorashada dalka ee shalay oo uu kusoo baxay Muuse Geelle Yuusuf waxay mustaqbalka dhow kala caddeyn doontaa haddii Rooble mar kale uu guul siyaasadeed gacantiisa ka bixiyey iyo haddii kale.

Muuse Geelle, oo guddiga kasoo galay dhanka Puntland, ayaa waxa uu taageero ka helay xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidee ayey wax u dhaceen?

Rooble ayaa dagaal siyaasadeed xooggan usoo galay inuu gacanta ku dhigo hoggaanka guddiga kadib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro, taasi oo guul horudhac ah siisay ra’iisul wasaaraha.

Si uu guushaas u dhameystiro, wuxuu Rooble u baahnaa inuu xaqiijiyo in xilka guddoomiyaha cusub loo doorto qof isaga ku xiran, hase yeeshee wuxuu kusoo dhammaaday inuu kala doorto laba musharax oo mid uu wato Deni, midna ay wataan Villa Somalia iyo Lafta-gareen.

Ma cadda sababta Rooble u heli waayey musharax ka madax-banaan labadaas dhinac oo uu si gaar ah isaga u dhisto.

Waxaa marar badan xafiiskiisa lagu eedeeyey inuu ku wanaagsan yahay dagaalka iyo arbushaadda siyaasadeed balse aanu haysan xeel dheerayaal iyo farsamoyaqaan siyaasadda dejiya oo goolal siyaasadeed dhalin kara, waxayna doorashadan mar kale caddeyn u noqatay arrintaas.

Guusha Saciid Deni?

Rooble wuxuu doortay inuu taageero musharaxii Saciid Deni. Ma cadda haddii uu jiro heshiis siyaasadeed oo dhex-maray isgaa iyo Deni oo taageeradiisa aysan aheyn mid ka dhalatay “laba darran mid dooro,” balse waxaa cad in Muuse Geelle uu warka Deni ka hormaqlayo kan Rooble.

Saciid Deni, oo ah musharax madaxweyne ma ahan nin siyaasadda loo meerin karo, waxaana haddii Muuse Geelle uu si buuxda ugu xiran yahay ay ka dhigan tahay in hoggaanka guddiga uu isaga u gacan galay. 

Waxaa suurta-gal ah in Rooble ay wax kasta uga dhigneyd inuu hoggaanka guddiga doorashooyinka ka ilaaliyo Farmaajo, sidaas darteedna uu Deni u arkay inuu ka roon yahay, hase yeeshee taasi soo kama dhigna in ra’iisul wasaraaha ay ka maqan tahay dhameystirka guulaha siyaasadeed?

In Farmaajo guul-darreysto waa mid, inaad adiga guuleysatana waa mid kale, Rooble ma ahan kaliya inuu ka fakaro guul-darrada Farmaajo balse waa inay xisaabta ugu jirtaa inuu isaga guuleysto.

Guusha iyo maamulka Rooble ee guddiga doorashada waxay ka digan tahay dhex-dhexaanimada iyo caddaalad falidda dhammaan musharaxiinta kale ee dalka, maadaama uusan isaga musharax aheyn.

Farmaajo waa musharax, Saciid Deni-na waa musharax kale. Macno ma sameyneyso in hoggaan lagala cararay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday loo gacan geliyo Deni.

Waqti ayaa kala sheegi doona haddii uu Rooble gacanta ku dhigay hoggaanka guddiga doorashada iyo haddii uu u gacan geliey Deni.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii