DF oo jawaab lama filaan ah ka bixisay lacagta ay QM ku leedahay – Sidee ku timid?

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa jawaab lama filaan ah ka bixiyey sida ay ku timid lacagaha ay QM ku leedahay Soomaaliya oo ah  qaaraanka ee sanad walbo laga qaado dalalka xubnaha ka ah golaha guud.

Abuukar Baalle ayaa shaaca ka qaaday in lacagta laga rabo Soomaaliya oo dhan 1.4 milyan ay ka timid laga soo bilaabo 1989-kii illaa 2017-kii, isla-markaana intii u dhexeysay sanadahaasi ay uruurtay deynta haatan lagu leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaa noogu dambeysay inaan bixino 1989-kii marka lacagahan halka malyan iyo shanta boqol ku dhow waa 1990-kii illaa 2017-kii lacagihii isku teg-tegay,”ayuu yiri Danjiraha.

Sidoo kale wuxuu Danjiruhu ku faanay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ay afartii sano ee la soo dhaafay bixineysay lacagta qaaraanka ah sanad walba, taas oo u dhexeyso qiyaastii 35000 illaa 37000 oo Dollar.

“2018-kii illaa 2021-kii waan bixineynay lacagihii la’iska rabay sanad walba. Lacagta waa is bed-bedashaa laakiin qiyaastii waxay u dhexeysaa 35000 illaa 37000 sanadkii,” ayuu markale yiri Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo Qaramada Midoobay.

Danjire Baalle oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu rajo weyn ka qabo in dadaalka ay Soomaaliya haatan wado ay  ku guuleysan doonto, isaga oo soo jeediyey in miisanadda sanadkan lagu daro lacagta laga doonayo, si aysan u weyn codka ay ku leedahay QM.

“Hadda waxaan rajeyneynaa sanadkan dadaalkii inuu mira dhali doono oo bajadka lagu dari doono 2022-ka,” ayuu sii raaciyey Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay dowladdu wada-hadal kula jirto guddiga Qaramada Midoovbay u qaabilsan qaaraamaadka dowladaha bixiyaan sanad kasta, si ay Soomaaliya u qabsato muddo cusub oo ay ku bixineyso lacagta haatan lagu leeyahay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkii hore ay QM shaacisay liiska wadamada aan weli bixin lacagaha qaaraanka ah ee miisaaniyada golaha, taas oo ay ku jirtay Somalia.