Ra’iisul Wasaare ROOBLE oo mar kale Cabdi Xaashi kaga hiiliyey MAHDI GUULEED

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay qaaday tallaabo u muuqata inuu kusoo afjarayo muranka xooggan ee ka taagan hoggaanka guddiyada doorashada gobollada waqooyi.

Balse marka aad si qoto dheer u eegto, waxaa muuqaneysa in Rooble qorsheynayo in mar kale uu xaqiijiyo in maamulka guddiga doorashada Somaliland ay gacanta ku dhigaan Mahdi Guuleed iyo madaxweyne Farmaajo.

Guddiga doorashada Gobollada Waqooyi ayaa bil kahor u kala jabay laba garab, oo la kala safan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxayna kala doorteen laba hoggaan.

Muxuu yahay xalka Rooble?

Si kastaba, Rooble oo shalay xafiiskiisa kula kulmay xubnaha guddiyada doorashada gobollada waqooyi, ayaa sheegay in la baabi’iyay doorashadii hoggaanka guddiyada doorashada gobollada waqooyi.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada.”

Doorasho cusub xal ma tahay?

Hase yeeshee, maxaa dhici kara haddii mar kale doorasho ay dhacdo, maxaase diidaya in mar kale xaaladda ay dib ugu soo noqoto sida ay hadda tahay?

Si aan u ogaano waxa dhici kara, waxaa muhiim ah inaan fahanno habka guddiga u dhisan yahay.

Guddiga ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda hartay uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.

Saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble ayaa qorshuhu ahaa inay noqdaan kuwa ka madax banaan labada garab ee is-haya, si ay miisaan ugu noqdaan, hase yeeshee, waxay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya.

Saddexdan xubnood ayaa bishii lasoo dhaafay ku biiray garabka Mahdi Guuleed, waxayna qabteen doorasho lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi oo ay ku doorteen hoggaan.

Sidaas darteed, su’aasha ayaa ah; maxaa diidaya in mar kale ay sidaas sameeyaan marka la qabto doorashada hoggaanka cusub, oo la filayo inay ka dhacdo teendhada Afisyoone?

Dhibaatada ugu weyn waxa ay ka taagan tahay; in Rooble uu soo magacaabay xubno aan dhex-dhexaad aheyn, ayada oo aan taas la xalinna ma iman doono xal.

Waxaa jiray heshiis ay horey u gaareen Rooble iyo Cabdi Xaashi oo dhigayey in saddexda xubnood ee uu soo magacaabay aysan ka qeyb-gelin wax codeyn ah, maadaama aysan dhex-dhexaad aheyn, taasi oo Rooble uu diiday inuu fuliyo.

Muxuu yahay xalka Cabdi Xaashi?

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo qoraal soo saaray Isniintii waxa uu ku diiday soo-jeedin ka timid ra’iisul wasaaraha oo aheyd inuu kusoo wareejiyo tallada iyo maamulka doorashada kuraasta xildhibaanada labada gole ee Somaliland.

Taas beddelkeed, Cabdi Xaashi ayaa qoraalka kusoo jeediyey saddex qodob oo uu sheegay in lagu xalin karo khilaafka ka taagan guddiyada doorashada gobollada waqooyi, kuwaas oo kala ah:

1- In isaga iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed ay noqdaan hoggaan wada-jir ah oo haga maamulka doorashada xildhibaanada waqooyi.

2- In dib loo mideeyo guddiyada doorashada gobollada waqooyi oo laba garab u kala jabay, loona qeybiyo hoggaanka, ayada oo dhinac la siinayo guddoomiyaha guddiga, dhinaca kalena guddoomiye ku-xigeenka iyo xoghayaha guddiga.

3- In doorashada kuqabsoomto gudaha Xalane, oo ay amnigeeda sugaan ciidamada booliska Soomaaliya iyo AMISOM.

Sida, muuqata Rooble ayaa waxa uu aqbalay kaliya qodobka saddexaad oo ku saabsan halka ay doorashadu ka dhaceyso, wuxuuna diiday labada qodob ee kale.

Sababta Cabdi Xaashi u doonayo in hoggaanka guddiyada la kala qeybsado, ama la wada guddoomiyo, ayaa ah inuu ogyahay in xubnaha uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble aysan dhex-dhexaad aheyn.

Sidaas darteed, Rooble inkasta oo uu isu muujinayo inuu xal raadinayo, haddana wuxuu weli ku dadaalayaa in guddigan uu noqdo mid si buuxda ugu jira gacanta Mahdi Guuleed iyo Farmaajo.