26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Ra’iisul wasaare Xamza: Biyaha badda ayaa macaanaynaynaa

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta dhagax-dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, ayaa sheegay in dowladdu xooga saareyso ka faa’iideysiga khayraadka badda.

Xamza ayaa ugu horeyn tilmaamay Wasaaradda Kalluumeysiga ay ka mid tahay kuwa ugu muhiimsan hiigsiga horumarinta dhaqaalaha dalkeenna, maadaama khayraad badan dalkeennu uu uga imaanayo dhanka badda.

“Waxaan rabnaa in dalkani u guuro dhinaca badda; magaalooyin badan ayaan badda korkeeda ka samaynaynaynaa, biyaha badda ayaan cabbi doonnaa oo macaanaynaynaa. Mustaqbalkeenu badda ayuu ku jiraa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Sidoo kale wuxuu sheegay in mustaqbalka Soomaaliya horumarsan uu ka iman doono dhanka badda, isla markaana Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ay door muhiim ah ka qaadan doonto kobaca dhaqaalaha dalka maadaama ay hadda kadib yeellan doonto dhisme weyn oo casri ah.

“Dhaqaalaha Buluugga ah waa mid muhiim ah oo la doonayo in Soomaalidu ka faa’iideysato, waanna halka ay ka bilaabmi doonto Soomaaliya barwaaqo ah oo la soo baxda wax-soo saarka badda iyo khayraadka dihan ee dhulkeeda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in laga doonayo dadka Soomaaliyeed in ay degaan dhulka xeebaha ah, dowladduna ay ka hirgalin doonto waddooyin waaweyn oo sahlaya isticmaalka khayraadka badda iyo ka faa’ideysiga dhaqaalaha buluugga ah ee dalkeenna.

- Advertisement -

Read more

Local News