Ra’iisul Wasaare XAMZA oo xilal cusub magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ku howlan dhismaha xukuumaddiisa ayaa maanta sameeyey magacaabis cusub, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa agaasimaha xafiiskiisa u magacaabay Maxamed Abuukar Zubeyr oo horey usoo noqday agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale Xamza ayaa madaxa hab-maamuska ee xafiiskiisa u magacaabay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdillaahi Shariif, kaas oo kasoo jeeda gobolka Gedo.

Ninkaan dhalinyarada ah ayaa sidoo kale horey ula soo shaqeeyey ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, taas oo soo dadajisay in markale loo magacaabo jagadaasi.

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaya in taliyaha amniga ee xafiiska ra’iisul wasaaraha isna loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Akram Maslax.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan ra’iisul wasaaruhu wado wada-tashiyadii u dambeysay ee ku aadan magacaabidda golihiisa wasiirada cusub.

Xamza oo todobaadkii hore codka kalsoonida ka helay baarlamaanka Soomaaliya ayaa ballan-qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka samata bixin karta.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii bishii May, taas oo uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.