Xamza oo si rasmi ah uga shaqo billaabay xafiiskiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah ugu shaqo bilaabay xafiiskiisa oo ku yaala gudaha Madaxtooyada, kadib markii uu shalay xilka kala la wareegay.

Xamza ayaa isla maanta kulamo la yeeshay maamulka, Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo hogaannada tiirarka mudnaanta u leh qorshaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa mas’uuliiyiinta Xafiiska ee uu kulamada la qaatay uga mahad-celiyay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan, isagoo ku boorriyay in ay sii laba jibaaraan shaqadooda.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul wasaaraha kormeeray qeybaha iyo waaxyaha kala duwan ee xafiiska, isagoo warbixino ka dhageystay agaasimeyaasha iyo howl-wadeennada qaarkood.

Xamza oo xilka loo magacaabay 15-kii bishaan ayaa wixii xiligaas ka dambeeyay uu bilaabay wada-tashiyo ku aadan sidii uu usoo magacaabi lahaa Golihiisa Wasiirada, oo ay doonayaan inay kasoo muuqdan siyaasiyiin xilal haya iyo kuwo horay u soo qabtay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa horyaalla fulinta ballan-qaadyadiisa iyo shaqooyin dhowr ah oo u baahan in wax lag qabto, sida hagaajinta xiriirka Arrimaha Dibadda, Amniga, Shaqaaleynta dhalinyarada iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.

Si kastaba, Waxaa lagu wada in maalmaha soo socda uu Xamza kulamo la qaadan doono saamileyda siyaasadeed ee dalka, ka hor inta uusan soo magacaabin Golahiisa Wasiirada.