Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xalay ka qeyb-galay munaasabad ku aaddan doorka Qurbajoogta Soomaaliyeed ee garab istaagga dowladda iyo taakuleynta ciidanka qalabka sida ayaa weerar duur xul ah ku qaaday maamulka Puntland.
Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland oo muddooyinkii dambe go’naa, ayuu Ra’iisul Wasaare Xamza si maldahan ugu baaqay in Puntland ay soo wada baxdo, taas oo la micno ah in ay sida maamul-goboleedyada kale u dhaqanto ama caddeyso mowqifkeeda, sida Somaliland.
“Goonni u goosad marka la soo hadal qaado Somaliland baa la fiirinaya, balse Somaliland warkeedu waa cad yahay waa Libaax ciyaay, waxase jira Libaaxyo aamusan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza oo u duur xulay Puntland.
Maamulka Puntland ayaa kal hore sheegay in ay u dhaqmeyso sidii “dowlad madax-banaan” kadib markii ay xiriirka u jartay Dowladda Federaalka. Inkastoo ay taageersan tahay nidaamka federaalka, haddana xiriirka Xamar ayey meesha ka saartay, iyadoo madaxda dowladda dhexe ku eedeysay arrimo horseedi kara qalalaase gudaha ah.
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xalay xoojiyay doorka Qurbajoogta Soomaaliyeed, oo uu sheegaay inay udub dhexaad u yihiin horumarka dalka, isla markaana looga fadhiyo in ay sii xoojiyaan doorka kaga aaddan garab istaagga ciidanka qalabka-sida iyo hirgelinta doorashooyinka awoodda loogu celinayo bulshada.
“Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay laf-dhabar u yihiin Hiigsiga 2060 ee Soomaaliya, oo ah qorshe diirradda saaraya horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo casriyeynta hey’adaha dowladda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.
Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa la idinka rabaa in aad xoogga saartaan midnimada dalkeenna oo marar badan halis gashay. Waxaa la idinka doonayaa in aad isku xirnaataan, oo aad qeyb ka noqotaan dhismaha dowladnimada, doorashada iyo difaaca.”
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumadda Dan-Qaran ay door wayn ku leeyihiin qurbajoogto, taas oo muujinaysa kaalintooda lagama maarmaanka ah ee ay ku leeyihiin dalka.

