Ra’isal wasaare ku-xigeenkii hore ee dalka Somalia oo geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan heleyno ayaa sheegaya inuu geeriyooday Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Somalia C/raxmaan Jaamac Barre.

Marxuumka ayaa soo noqday Ra’isal wasaare ku-xigeen, wasiirka maaliyadda iyo wasiirka arrimaha dibadda, waxaana la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Ra’isal wasaare ku-xigeenkii hore ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanaayay, isbitaal ku yaalla magaalada San Diego ee gobolka California.

Marxuumka ayaa xilal dhowr ah kasoo qabtay dowladii kacaanka, waxaana da’diisa lagu sheegay 79 sano, waxa uuna ka geeriyooday carruur dhan 15.

Dhinaca kale, meydka Ra’isal wasaare ku-xigeenkii hore ayaa lagu wadaa in la keeno magaalada Muqdisho, waa haddii aanu dhicin isbedel.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com