Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay u tartameysa xilka madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka, kaas oo ay ah mid muhiim ah, waxaana u sharraxan xildhibaan Marwa Cabdi Bashiir oo hadda ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.
Xildhibaannada oo u warrantay Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in muddo dheer ay ku hamineysay inay gasho tartankan oo kale, si ay wax ugu qabto dalka.
“Muddo waa ku naaloonayay, dalkana waxaan ugu soo noqday inaan xilal waa weyn ka qabto, ama caalamka aan wax uga taro, marka in badan ayaa ka fakirayay inaan xilkaas qabto, si aan Baarlamaankeena iyo waddanka wax ugu taro” ayay tiri Marwo Cabdi Bashiir.
Musharrax Marwa Cabdi Bashiir ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujisay ku guuleysiga xilkan, ayada oo shaaca ka qaaday inay haysato fursado badan.
“Ma jiro hadda wax caqabad ah oo aan oran karo way i hortaagan tahay, fursaddana way badan tahay, waana ku rajo weynahay inaan helno” ayay hadalkeeda sii raacisay.
Sidoo kale waxa ay ka hadashay muhiimada uu xilkan u leeyahay Soomaaliya, haddii loo doorto hoggaanka Baarlamaanka Aaduunka, waxayna sheegtay in fursado badan laga helayo, sida in Somalia ay kusoo noqoto saaxada caalamka, korna uu u kaco baasaboorka.
“Xilkaas Soomaaliya waxay ka faa’iidaysaa inay kusoo noqoto saaxadda, inuu baasaboorkeennii kor u qaado,” ayay mar kale tiriMarwa Cabdi Bashiir.
Dhanka kale, guddoonka sare iyo xildhibaanada baarlamaanka oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn u taageeray musharaxnimada xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir, iyaga oo u rajeeyay guul weyn.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlayay kulankii shalay ee Baarlamaanka ayaa gabagabadii ka sheegay in Xildhibaanadda loo sameyn doono olole qaran isla-markaana waxa uu tilmaamay in Baarlamaanada saaxibka la’ ah Soomaaliya laga codsan doono inay garab istaagaan, si ay cod uga hesho, uguna guulaysato xilkaas culus.