25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Rasaas culus oo caawa laga maqlayo magalada..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Marka (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo Dagaal qaraaran oo u dhexeeya laba beel oo halkaasi wada dega.

Dagaalka ayaa waxaa leysku adeegsanayaa Hubka culus, waxaana la tilmaamayaa in Dagaalkaasi uu bilowday galabnimadii maanta ilaa iyo Caawana uu yahay mid socda.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxa uu ilaa iyo hadda ka socdaa xaafadda Buulo Jaan, waxaana la sheegayaa in Dagaalka labadaani beel uu kusoo laalaabtay magaalada Marka.

Xaafadda Buulo Jaan, ayaa waxaa xiligaani ka dhaceysa rasaas xoogan oo xiliyada qaar aad moodo inay qaboobeyso, iyadoona ay suuragal tahay in Dagaalka uu saqdhexe ee Caawa xoogeysto.

Ma jirta wax war ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka, waxaana jira warar sheegaya in Odayaasha labada beel aysan wali ka fadhiisan arrinta dagaalka socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News