Raskambooni “Dowladda wax shaqo ah kuma lahan maamul u sameynta Kismaayo” + Shir ka socda Nairobi.

Magaalada Nairobi waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlayo maamul u samaynta Kismaayo.

Urur goboleedka Igad ayaa shirkani marti geliyay, waxaana ay doonayaan in dhinacyada dhamaan ay ka qeyb-qaataan maamul u dhisidda Kismaayo.

 Ciidanka Kenya ee hoos tago AMISOM ayaa maalmo ka hor qabsaday magaalada iyagoo kaashanayo dowladda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegaya in ay ka shaki qabaan Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, Cabdisamad Maxamd, ayaa sheegay in arrimaha maamul u samaynta gobolka loo dhaafo dowladda cusub ee Soomaaliya, maadama uu dalka ka baxay xilligii kumeel-gaarka.

Afhayeenka ururka Raaskambooni, Cabdinaasir Seeraar, ayaa BBC u sheegay in ay dhisayaan maamul kumeel-gaar ah oo ay ka war sugayaan shirka ka socda magaalada Nairobi.

Seeraar ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya uusan dhigaynin in dowladda ay magacawda maamullada gobollada, islamarkaana  hadda ay wadaan qorshe ay Maamul KMG ah ugu sameenayaan magaalada Kismaayo, isagoo gaashaanka u daruuray hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in Dowladda ay Maamul u sameyn doonto Kismaayo.

“Dowladda waxbo kama galin Maamul u sameynta magaalada Kismaayo iyo gobbolada Jubbooyinka, waxaa fiican in Madaxweynuhu uu dib u akhriso Dastuurka, Dastuurka kuma taallo in Madaxweynuhu uu Maamullo u sameeyo gobbolada dalka,”ayuu yiri Mr Seeraar.