Figo: “Raul wuxuu doonayey inuu xirfadiisa ciyaareed kusoo afmeero Real, balse…..”

Ciyaryahankii hore ee xulka Portugal Luis Figo ayaa aaminsan in halyeeyga kooxda Real Madrid Raul uu doonayey inuu kobaha iska siibo isagoo xiran maaliyada kooxda Real kana hor ciyaaraya taageerayaasha Santiago Bernabeu, laakiin taasi aysan noqon mid miro dhasha.

Halyeegi weerarka ka ciyaara, ayaa hada qandaraas kula jira kooxda ka dhisan dalka Qatar ee Al Sadd,, wuxuuna kooxda reer Spain uga biiray Schalke 2010kii, laakiin Figo ayaa maanka ku haaya in ciyaaryahankii hore ee ay isku kooxda ahaan jireen uusan meelna u baqooleen.

“Raul wuxuu doonayey inuu xirfadiisa ciyaareed ku dhameysto Real Madrid, laakiin sidaasi ma aysan noqon. Wuxuu ka tegey Real. Waxaan rajeynayaa inuu ku farax san yahay Qatar,” ayuu Figo u sheegay TV-ga Al Jazeera.

39 jirkaan ayaana doonaya in sanadkaan Cristiano Ronaldo la gudoonsiiyo abaal marinta Ballon d’Or. Isagoona sheegay inuusan shaqo ku laheyn farxad la’aanta Ronaldo.

“Waxaan aaminsanahay inuu sanadkaan ku guuleysan karo Ballon d’Or sabbabtoo ah wuxuu kusoo guuleytay horyaalka La Liga. Ma ganaayo sababta ka dambeysa farxad la’aantiisa. Waa inaad isaga weydiisaa. Taasi ma ahan aniga shaqadeyda.”