Real Madrid oo dooneysa inay soo ceshato David Beckham.

Real Madrid ayey macquul tahay in si aan la maleysaneyn ay David Beckham dib ugu celiso Spain, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Fikradaan ayaa ka timid sida la sheegyo madaxweynaha kooxdaas Florentino Perez kaasoo og baahida ay kooxdiisu u qabto Beckham.

Beckham ayaa dhamaadka sanadka isaga tegaaya kooxda mareykanka ka dhisan ee LA Galaxy, ciyaaryahankii hore ee Manchester United ayaana doonaya inuu hal horyaal oo kale ka ciyaaro inta uusan xirfadiisa soo afjarin.

Laakiin waxaa lasoo sheegayaa in Real ay dooneyso inuu kobihiisa ku siibo caasimada Spain.

Waxaa xidigaan ku dagaalamaya kooxo ay ka mid yihiin Paris St Germain, Flamengo, Corinthians, halka ay sidoo kale jiraan kooxo kale oo ka daneynaya China, Australia iyo Bariga dhexe.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.