Man City, Real Marid iyo Man Utd oo isku heysta Modric yare.

Manchester City ayaa dooneysa inay Manchester United iyo Real Madrid ku garaacdo saxiixa ciyaaryahanka lagu niinaaso Modric yare ee qadka dhexe uga ciyaara kooxda Dinamo Zagreb Alen Halilovic.

Sedax wakiil oo ka socda City ayaa Croatia u safray dhamaadkii isbuucaan si ay wada xaajood ula furaan Zagreb oo ku aadan sidii ay 16 jirkaan ugu soo kaxeyn lahaayeen Horyaalka England.

Halilovic ayaa dhowaan loo ogolaaday inuu tababar la qaato Real Madrid, wargeyska Sportsmail ayaana ogaaday bishii lasoo dhaafay, inuu ciyaaryahankaani sidoo kale soo jiitay Manchester United iyo Barcelona.

City ayaa dooneysa inay soo afjarto tartanka iyagoo xidigaan ku doonaya 6 milyan oo ginni laakiin waxaa la rumeysan yahay inay Zagreb lacag intaas ka badan ku rabto  Halilovic oo ah ciyaaryahan mustaqbal ku leh kubda cagta.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.