Wariyaasha Soomaalida oo loo digay.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Soomaalya ayaa ugu digtay Warbaahinta Soomaaliyeed inaysan ka been abuuran dowlada hadii kalana ay xeri doonaan sharcigana ku qaadi doonaan.

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka Sida ayaa kawarbixiyay Xarig maalintii shalay loo gaystay Wariyaha Bbc-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan oo lagu eedeeyay inuu ka been abuuray Xukunada ay fuliso maxkamada Qalabka Sida.

Wariyaha ayaa xalay ku hoyday Xabsiga dhexe waxaana Liibaan Cali Yaroow Gudoomiyaha Maxkamada uu sheegay in Wariyaha war kuturu kutay uu ka gudbiyay Maxkamada kadib markii uu soo xigtay Qof Balcad jooga oo Maxkamada wax u dhimayo sheeganaya in Cadaalad aan laysku xukumim lana siidaayo dadka Xukunada ku qoron.

Gudoomiyaha Maxkamada waxaa uu sheegay Ibraahin fursad ay u siiyeen inuu marqaati u keeno hadalkii uu u gudbiyay Bbc-da laakiin uu keeni waayay maalmo loo qabtay.

Wariyaha Bbc-da ayaa qirtay sida uu gudoomiyaha sheegayo inuu warkaas been ahaa laakiin Wariyaha waxaa uu ka soo horjeestay in Bbc-da uu ka beeniyo warkaas,waxaana uu sheegay in taas uu shaqadiisa ku waynayo xalayno uu ku hoyday Xabsiga.

dhanka kale Wariyaasha Soomaaliyeed ayuu kaga digay inay ka fogaadaan Cadaalada oo ay borobogando ay ku badalaan wanaaga ay Dowlada hayso sida uu hadalka u dhigay.

“Cid walba oo Dowlada waxaysan samayn ka faafiyo sharciga ayaa noo madal ah,Anaga waxaan dhowraynaa anshaxa Saxaafada taa mid lamid wariyaha ayaa laga doonayaa inuu sameeyo”Sidaas waxaa sheegay gudoomiyaha Maxkamada.