Real Madrid oo gacanta kusoo dhigtay bedelka goolhaye Iker Casillas (Warbixin)

Goolhayaha kooxda Leicester Kasper Schmeichel ayaa si la yab leh diirada ugu fuulay kooxda ka dhisan dalka Spain ee Real Madrid.

Wiilka halyeeygii kooxda Manchester United Peter Schmeichel ayaa waqti dheer loo arkaayey bedelka koowaad ee gool ilaaliyaha haatan ee Real Iker Casillas.

Waxaa loo arkaa in tababaraha Los Blancos Jose Mourinho iyo tababaraha goolhayeyaasha Silvino Louro ay da’yarkaan u xushmeynayaan inuu tartan la galo Casillas, sida uu qoray wargeyska Daily Star.

Real, ayaa sidoo kale baacsaneysa goolhayaha kooxda Real Zaragoza, Roberto oo 26 jir ah iyo ninka Osasuna goolka u qabta Andres Fernandez, oo 25 jir ah.

Schmeichel, oo 25 jir goolka qabta ah ayaa sanadii hore loo magacaabay ciyaaryahanka sanadka ee Leicester City.

Goolhayaha Denmark ee [Under 21-ka] ayaa xirfadiisa kasoo bilaabay kooxda Manchester City, wuxuuna sidoo kale 2006dii si amaah ugu soo ciyaaray kooxda Darlington.

Schmeichel ayaa soo xirtay maaliyadaha Notts County iyo Leeds ka hor inta uusan 2011kii ku biirin kooxda Leicester.