Reer Khaatumo goorma ayey ku baraarugi doonaan xaqiiqda Dr. Cali Khaliif?

Cali Khaliif Galeyr ilaa iyo hadda waa sida Boqortooyadii aan Gabbalkeedu dhicin ee Britain. Wuxuuse u yahay siyaasadda reer Tolkiis oo taniyo muddaba uu ka yahay jiheeye hadba siduu rabo ula diga-rogta.

Markii 18 sanno kahor loo magacaabay xilka ra’iisulwasaare ee dowladda Cabdiqaasim ilaa iyo hadda, Galeyr hadba wuxuu maamulada Soomaalida uga soo dhex muuqanayaa sida loo batay. La dabaalashada fursadaha.

Xusuustiisa xeesha-dheer iyo siyaasaddiisa ku dhisan isku ilaali; iskana ilaali ee hal-heyska u aheyd xilligii dowladda Cabdiqaasim ee Carta, wuxuu sidii shalay u xanbaarsan yahay aragtidaas. Laakiin ma ahan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo dhan. Hadda waxay is hayaan Somaliland.

Sannadkii 2017-ka heshiis uu la galay madaxweyne Siilaanyo oo ku dhisnaa kala caddeynta awoodaha iyo fulin dhab ah oo lagu sameeyo hir-gelintooda ayaa hadda Galeyr su’aal ka keenay dhaqan-galkooda. Wuxuuna is-weydiinaya haddii taasi loo mari karo Xisbiga talada haya oo Siilaanyo iyo Madaxweynaha talada haya ee Muuse Biixi ay kuwada jiraan ama Golaha Wasiirada ee Somaliland.

Abuurka cajiibka leh ee Ilaahay ku beeray garashada Galeyr ayaa ah kartida uu u leeyahay inuu ku beerlaxawsado beeshiisa iyo sida xeesha dheer ee uu kaga dhaadhiciyo ajendayaashiisa kuwaas oo inay fulaan ama baaqdaan aanay gacantiisa ku jirin hadiyo jeer. Waxa kaliya oo uu leeyahay ayaa ah isku-dubba-ridka iyo jaangoynta nuuca heshiis ee lawada galayo. Taas oo marar badan kob cidlo ah geeddiga ugu furtay.

Tanina waa mid kale oo muujinaya in dhammaan dadaalladii Galeyr usoo galay meel-gaarsiinta masiirka tolkiisa aysan soo naasa-caddaan wali.

Kasokow is-weydiinta cidda leh fulinta ballamihii uu la galay Siilaanyo, Galeyr waxaa kale oo u muuqda ku tumasho ba’an oo ka jirta qoddobada qaar ee dastuurka taas oo haddii la heli lahaa suura-gelisa in saleyn loo helo aayaha Khaatumo iyo jirtaankeeda.

Halka cidna aysan isku diidaneyn in Cali waqti badan usoo galay soo muujinta saamiga tolkiisa, haddana runta kale ee jirta ayaa ah in marnaba uusan ku guuleysan midaynta qadiyadda Khaatumo. Heliwaaga midnimo ka dhex jirta awgeedna, waxay u muuqataa in hadba sidii lagu sedbursan karo xageeda loogu diyaarsan yahay.

Haddii xalka Khaatumo loo fiirin lahaa dunta hoose iyo danta guud ee ka wada dhaxaysa, lax-jecleysiga ku dhisan in xuduudda beenaadka hadba dhinac loogu kala tallaabo – iyada oo loo kala dhuumanayo Puntland iyo Somaliland – waxay wiiqaysaa masiirka Khaatumo muddo ka yar sannado. Sansaanta muuqatana waxay xoojinaysaa saadaashaas.

W/Q: Cabdiqani Daa’uud Jaamac
Nairobi, Kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid