Reer Khaatumo Leh: Idaacada VOA Ma Warbaa Nagu Seegan?

Marar badan ayaan waxaan maqley dad dhahaaya ama kudoodaaya idaacada VOA uma’aha dhexdhexaad maamulda dalka kajira oo waxey kuxirantahey ama buubisaa maamulo khaas ah: arintaas wax weyn uma arki jirin oo waxaan kudoodi jirey waa idaacad udhaxeysa dadka iyo maamulada somaliyeed laga soo bilaabo Raas caseyr illaa Raas kambooni, Balse arintaas waxaa iga galey shaki weyn kabib markaan u kuurgaley barnaajimyada kabaxa idaacadaas, waxaana iimuuqatey dhaaliilo badan. hadaba maxaan dhaliilayaa? bal aan sooqaato (2) labodaan qodon ee hoos kusoo qoran.
  • Dhaliisha kowaad, waxaan dhageystey barnaamijka falaqeynta jimcaha ee kabaxey idaacada January 25, 2013 kuna saabsanaa faaqidaada: siyaasada Maraykana ee ku aadan somaliya iyo waliba (Dual Track Policy) doodana waxaa kaqeyb  qaadanayey aqoonyahana somaliyeed oo kala ahaa: Ciise Farax oo madax ka’ah arimaha batrooka ee Puntland, Dr Mohamud Mohamed Culusow oo ahaa gudoomiyhii hore ee bankiga dhexe ee somaliya iyo Dr Axmed Xusseen kana tirsan dhinca waxbarasha ee Gobolada Waqooyi Galbeed ee Somaliland. Doodana waxaa daadihinaayey (mediator) ka’ahaa wariye Abdi Casiis. falaqeeyntu waxey socotoba waxaa dhacdey in Ciise Farax oo kahadlaaya arinta Dual Track Policy iyo saameynta eey kuyeelan karto maamulda Puntland iyo Somaliland ayaa isagoo qancinaaya saaxiibkiis waa Dr Ahmed Xussen wuxuu yiri: Somaliland waan kuraacsanahey waxa eey gaareyn, Nabada dhina eeyka gaareyn, inta jeer ee doorasha xalaal ah qabsadeyn, Nabada eey sameeysteen waa wax lagu bogaadiyo, laguna faano! balse waxaa aad iyo aad iiga Qosliyey markuu yiri: anaga iyo iyaga waa (Puntlland iyo Somaliland) dhibaato ayaa naga dhaxeysa xadka ama borderka ah. mana a’aha wax aan isku diidanahey labada dowladood waxaana rabnaa inaan isla xalino arintaas (border dispute) ah. markaas ayaa waxaa hadalkii qaatey Dr Ahmed Xussen oo banoonigii uu saaxiibkiis usoo baasey (waa jambalkii) intuu xabadka saartey foorbiish kusoo celiyey oo yiri: waan laqabaa arintaas waana kuraacsanahey saaxiibkeey Ciise Farax hadalkaas waxaana naga dhexjira xoogaa XURJUF dhinaca xadka ah waana arin soojireyn ah oo waayo aduunkee kadhacdaa in laba dowladood eey xadka kumurmaan. arintaasana waxey kutusiineysaa in labada mas’uul ee isku raacsanyihiin iskuna marqaati fureen ineeysan jirin wax maamul ah oo u dhaxeeya islamarkaana ee inkirsanyihiin shirkii taariikhiga ahaa ee kadhacey Taleex iyo yagleelidii Maamul Goboledka Khaatumo State Of Somalia. wariyuhana dabcan uu kuraacsanyahey hadaladooda.
Hadaba aawey wariyihii dooda dhex dhaxaadinaayey? maxeyse shaqadiisu tahey? Okey, qofka (mediator) ama dooda daadihinaaya waxaa lagama maarmaan ah inuu qabto wixii hadal khalad ah oo uu qofka doodaaye uu ku duraayo qof kale oo meesha kamaqan ama deegaan iyo maamul kale oo aan fadhiyin goobta doodu kadhaceyso. taasina waa (BiggestViolation) ee sameeysey VOA. waxeyna aheyd in wariye Abdi Casiis shaqadiisa uguto si (professionalism) kujirto inuu yiraahdo Puntland iyo Somaliland hada wax xad ama border ah kama dhaxeyso oo dhexdiina waxaa kadhashey ama kajira maamul-goboleed kale oo layiraahdo Khaatumo State Of Somlia. sidaas daraadeydna wax Xarguf ah oo idin kadhaxeyso hada majiraan!!! arinta kale ee xusida mudan waxey tahey wariyaha VOA Abdi Casiis miyuusan dareemin sababta labada mas’uul oo doodaaye ineey kamideeysan yihiin xaqiraada iyo inkiraada maamulka Khaatumo State oo labaduba eey rabaan inee wali sii sheegtaan Goboladii SSC ee Maamulka Khaatumo State hada maamulo.
  • Dhaliisha Labaad waxay tahey barnaajimkii ugu dambeeyey dhamaadkii sanadii hore waa maalintii ugu danbeeysey December 31, 2012  lagaga sheekeenaayey isbadalkii ugu weynaa ee siyaasada somaliya kadhacdey dhamaan wixii isbadal ahaa laga soobilaabo January illaa December 2012. markaas ayuu isla wariye Abdi Casiis wuxuu kasoo sheekeeyoba dhamaan isbadalkii dhacey ee dhinaca siyaasada somaaliya isagoo kasoo bilaabey Road Mapkii iyo kabixitaankii Dowladii KMG aheyd ee somaaliya, shirarkii kadhacey, Mogadishu, Goroowe 1, 2, Gaalkacyo, Addis Ababa, Nairobi, iyo kii ugu Weynaa ee Istanbul Turkey. wuxuu kaloo kasheeykeeyey imaatankii  Magaalada Muqdisho ee Odayaasha Dhaqanka iyo Qabasoomidii shirkii Ansixinta Dastuurka, Doorashadii Afhayeeynka Barlamaanka, tii Madaxweynaha illaa dhameyskii Golaha fulinta ee Xukumada oo dhan. wuxuu kaloo wariyaha VOA kasoo sheekeeyey isbadalkii kadhacey Galmudud iyo Doorashadii halkaas kadhacdey, iyo waliba doorashooyinkii golaha deegaanka ee kadhacdey Somaliland. xittaa waxa kale uu wariyaha VOA xusey furashadii xisbiga Horseed ee Madaxweyne Faroole: balse waxey igu noqotey waxla yaabo (shocked) kadib markii wariyaha barmaajirka daadihinaayey uu si’ula kac ah (deliberately) iskago indho tirey Shirkii taariikhiga ahaa ee kadhacey Degmada Taleex iyo dhisitaankii Maamul-Goboleedka soomaaliyeed ee Khaatumo State.
Gobo gabadii iyo Gunaanadkii. waxaan jeclaan lahaa waliba in aan akhristoo idin yara xasuusiyo in Mudadii uu socdey shirkii Taleex ee ka’aheyd Headline wararka kabixijirey maalin walba idaacada VOA si joogta ah hadba wixii kasoo kordha shirka iyo meesha uu maraayo. taas oo aan kaliya ku’aheyn VOA. balse shirkaasi caalamka oo dhan si joogta loogaga socon jirey! Marka su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxey tahey idaacada VOA miyaa laga filanaayey ineey kadulboodaan ama qariyaan wixii kadhacey Taleex iyo Maamul-Goboleedka Khaatumo State Of Somalia? Maxeyse tahey Ujeedada kadambeeysey in VOA eey xusto dhamaan wixii isbadal siyaasadey ee kadhacey Somaaliya, laga bilaabo Mogadishu, Gobolka Hiiraan, Ahlusuna Waljameeca, Maamulka Xibin iyo Xeeb, Galmudug, Puntland– halkaas markuu marayeey wariyuhu ayuu kadulboodo ama qaato waxa looyaqaan (Bypass) Maamul Khaatumo State una boodaan dhinaca Somaliland isagoo xaqirayey wixii kadhacey Gobolada SSC. hadaba arintaas VOA maxey uga danlaheyd? miyeesan idaacada VOA aheyn idaacad (neutral broadcast) una dhaxeysa umada somaaliyeed iyo maamulda dadlka kajira? Mise madaxaa uduuban oo maamulada qaar ayaa kushaqeeysta? isku soowada duub, arimahaas waa kuwa Reer Khaatumo marwalba ee wax iska weeydiiyaan! islmarkaana jeclaan lahaayeen in sharaxaad laga bixiyo. waxaana oranlahaa illaahey haku-duwo idaacada VOA jiritaanka Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia.

Asadnaa Suudi
Columbus, Ohio
An Independent Analyst and Columnist.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan