Reer Somaliland oo MUUSE BIIXI hordhigay xujo weyn kadib hadalkii kasoo yeeray

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Axadii ka qeyb-galay aas qaran oo magaalada Gabiley loogu sameeyay marxuum Cabdinaasir Dahable ayaa halkaasi ka sheegay hadalo uu kusii hurinayo xiisadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa markaasi waxa uu sheegay in laga xisaabtami doono dilka marxuum Cabdinaasir Dahable, isagoo ka dhawaajiyay in dilka Dahable uu abuurayo colaad riiq-dheeraata oo u dhaxeysa Somaliland iyo Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Biixi ayaa waxaa ka dhashay fal-celin culus, ayada oo reer Somaliland hordhigeen xujo weyn oo la xiriirta dhulkii ay horey uga talin jirtay Somaliland ee hadda gacanteeda ka baxay.

Reer Somaliland qaarkood ayey ka daadagi weyday in xilligaan loo hub aruursado Soomaaliya, ayada oo xukuumadda Biixi uu lumiyay qeybo kamid ah Somaliland, kadib dagaalkii Laascaanood ee gacan ku haynteeda kula wareegtay SSC-Khaatumo.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrinkaan?

Abwaan Careef: “Muuse ninkan maydka ah iyo Muqdisho oon waxba inagaga xidhnayn dabka ha inagaga ridine bal ka waran ciidankii qaranka iyo dhulkii lagugu wareejiyay isagoo dhan.”

Saleebaan Cusmaan Aadan: “Muuse dad waalan miyuu u warama ninkan adigu maadan soo cayrsan teeda kale waxa dad Laascaanood ku dileysan ma ilowdey malaha dad wareersan baa madax u tahay aanba waxba kala garan.”

“Marxuumka maydkiisa aad beenta ka dul sheegeyso iyo cunfiga aad abuureyso Muuse Biixi Cabdi waligaaba dad qalato baad aheyd shacabkii aad Laascaanood ku xasuuqdey baa aakhiro kugu dhawraya,” ayuu yiri Cabdi Deeq Cali Cilmi.

Aadan Barre: “Horta marka Hore alla ha unaxariisa ninka la dilay. Laakiin sanad kahor maanta oo kale waxaad si arxan darri ah kala sooc la’aan ah ulayneyseen markasta magaalada Laascaanood oo diidanaa xukunkiinna sababta ay ku diideenna ahayd madax jibis joogta ah intaas lama socotiin.”