Rivaldo oo qarka u saaran inuu ka fariisto K/cagta, ka dib markii au dhaawacyo la degeen.

Ciyaaryahankii hore ee dalka Brazil Rivaldo ayaa xaqiijiyey inuu ku taagan yahay wado uu kaga fariisan karo kubada cagta ka dib markii ay la degeen dhaawacyo is daba joog ah isagoo haatan u ciyaaraya kooxda ka dhisan Dalka Angola ee Kabuscorp, wuxuuna xidigu hada ka cabanayaa dhaawac garabka ah.

Rivaldo ayaa ka dhaawacan garabka midig qolyaha caafimaadka ayaana u sheegay inuu 10 maalmood sugo dhaawiciisa si uu kaga soo kabsado.

“Waa inaan ka fikiraa inaan ka fariisto kubada cagta iyo inaan sii wato xirfadeyda ciyaareed,” ayuu ku qoray akoonkiisa Twitter.

“Dhaawaca ayaa xanuun igu haya, waxaan isku dhacnay goolhaye. Waxaana garoomada ka maqnaan doonaa todobo ilaa toban maalmood waana inaan sameeyaa, waxay ku dhow dahay inuu xilli ciyaareedkaani dhinacayga ka dhamaaday.”

40 jirkaan ka ciyaara qadka dhexe ee weerarka ayaa horaantii sanadaan ku biiray kooxda ka dhisan Angola, wuxuuna u saftay 15 kulan, isagoo u dhaliyey 11 gool.

Ciyaaryahankii hore ee Barcelona ayaa 1999kii ku guuleystay ciyaaryahanka sanadka ee aduunka, wuxuuna sidoo kale xulkiisa u qaaday koobkii aduunka ee 2002dii.

Rivaldo, waxaa lagu xasuustaa sedaxleydii quruxda badneyd ee uu ka dhaliyey Valencia isagoo markaasi u ciyaarayey Blaugrana.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.