25.1 C
Mogadishu
Thursday, July 10, 2025

Riyadh oo u jeesatay Tehran – Isbaheysi cusub oo ka dhismaya Gacanka Persia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Riyadh (Caasimada Online) – Iska horimaadkii u dambeeyay ee dhexmaray Iran iyo Israel wuxuu muujiyay isbeddel muuqda oo ku yimid awoodda gobolka, gaar ahaan Gacanka Beershiya.

Jawaabtii milatari ee tooska ahayd ee Iran ay bixisay – taasoo uu fuliyay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga (IRGC) – waxay soo bandhigtay nuglaanshaha istiraatiijiyadeed ee Tel Aviv, waxayna ku qasabtay dalalka Gacanka, oo ay ugu horreyso Riyadh inay dib u qiimeeyaan aragtidoodii hore ee ku saabsanayd amniga gobolka.

Dib-u-qiimayntan Sucuudigu hoggaaminayo kaligeed ma imaan. Waxay ka dhalatay guuldarrooyin is-biirsaday oo dhinacyada siyaasadda, milatariga, iyo diblomaasiyadda ah oo sannado badan ka hoos jiray dalladda Maraykanka iyo Israel, kuwaasoo ku riixay waddamada Gacanka inay raadiyaan habab amni oo ka macquulsan oo aan iska horimaad ku dhisnayn.

Waxa aan hadda goobjoog ka nahay waa burburka gaabiska ah ee isbahaysiyo duugoobay iyo furitaanka wada-hadallo pragmatik ah oo dano ku dhisan oo lala yeelanayo Tehran.

Iran oo indhaha u furtay dalalka Khaliijka

Qaabkii ay Tehran u maareysay isku dhicii milatari ee ugu dambeeyay – oo ay ku adeegsatay weerarro bartilmaameed sax ah, isbahaysi goboleed, iyo xiisad kororsi la xakameeyay – waxay muujisay heersare oo awood is-hortaag ah.

Tehran, iyadoo adeegsanaysa shabakadaheeda gobolka, saldhigyadeeda gantaalaha, iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee casriga ah, waxay si taxaddar leh u maamushay iska horimaadka, iyadoo iska ilaalisay in lagu jiido dagaal baahsan, laakiin isla markaasna fariimo cad u dirtay cadowga oo ku saabsan awooddeeda ay isku difaaci karto kuna ballaarin karto dagaalka haddii loo baahdo.

Farriinta loo diray dalalka Gacanku way caddayd: Iran ma aha mid go’doonsan ama nugul. Waxay awood u leedahay inay saamayn ku yeelato natiijooyinka ka soo baxa jihooyin badan iyadoon ku dhicin dagaal dhammaystiran.

Diblamaasi Carbeed oo si wanaagsan xog-ogaal ugu ah arrimahan ayaa u sheegay warbaahinta The Cradle: “Dagaalkani wuxuu ahaa marxalad isbeddel ku keentay fikirka Sucuudiga.

Riyadh hadda waxay fahamsan tahay in Iran ay tahay awood milatari oo qaan-gaar ah, oo aan lagu cabsiin karin qasab. Cadaadiskii hore hadda ma shaqaynayo. Amniga Sucuudigu wuxuu hadda ku xiran yahay wada-hadal toos ah oo lala yeesho Iran – ee kuma xirna Israel, gaar ahaan kuma xirna dalladda amniga Maraykanka oo sii libdhaysa.”

Xudunta walaaca Sucuudiga waxaa ah gardarrada sii kordhaysa ee Tel Aviv ay ku hayso Falastiiniyiinta iyo sida ay gebi ahaanba u diiday hindisayaashii nabadeed ee Carabta, oo uu ku jiro Hindisihii Nabadda ee Carabta ee 2002 oo Riyadh ay hoggaaminaysay.

Madax adayga Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu – gaar ahaan ballaarinta deegaamaynta gardarrada ah ee Qudus iyo Daanta Galbeed ee la haysto – ayaa walaac ku abuurtay Sucuudiga.

Daandaansiyadani kaliya ma wiiqayaan dadaallada diblomaasiyadeed, laakiin waxay sidoo kale dharbaaxo ku yihiin sharciyadda Boqortooyada ee dhinaca Islaamka, taasoo ku qasbaysa inay dib u qiimeeyaan faa’iidada Israel ay u leedahay iskaashi istiraatiijiyadeed.

Sida uu sheegay isha diblomaasiyadeed: “Is-mari waaga siyaasadeed ee Israel wuxuu ku riixayaa Sacuudiga inuu dib uga fikiro halka uu danihiisa gobolka ka raadsanayo, uuna u arko Iran inay tahay awood goboleed oo aan la iska indho tiri karin.”

Riyadh oo u jeesatay Tehran: Istaraatiijiyad xakamayn ah

Albaabada xiran gadaashooda, Sacuudigu wuxuu horumarinayaa istiraatiijiyad ah “xakamayn togan” oo uu kula dhaqmayo Iran. Tani waxay calaamad u tahay ka guuritaan cad oo laga tagayo xilligii dagaallada wakiilnimada iyo colaadda fikirka ku dhisnayd. Riyadh hadda ma raadinayso iska horimaad – waxay raadinaysaa isku-dubbarid, gaar ahaan arrimaha amniga gobolka iyo tamarta.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa u sheegay The Cradle in dib-u-furitaanka safaaradaha iyo iskaashiga dhinaca ammaanka ee la xoojiyay aysan ahayn oo kaliya natiijo ka dhalatay dhexdhexaadinta Shiinaha.

Waxay ka tarjumayaan qanaaco Sacuudi oo qoto dheer: in heshiis lala galo Israel uusan keenayn wax faa’iido amni ah oo la taaban karo, gaar ahaan ka dib markii ay soo baxday nuglaanshaha Tel Aviv dagaalkii ugu dambeeyay.

Jidka cusub ee Riyadh waxay sidoo kale muujinaysaa rabitaankeeda sii kordhaya ee ah in xalalka gobolka laga raadiyo meel ka baxsan Washington – mowqif ay si isa soo taraysa ula wadaagayaan dalalka kale ee Gacanka Beershiya.

Dhinaceeda, Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay si degdeg ah ugu dhaqaaqaysaa inay awooddeeda milatari u beddesho mid siyaasadeed. Marka laga soo tago soo bandhigidda awooddeeda gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, Iran waxay hadda si firfircoon u soo jiidanaysaa dawladaha Carabta ee Gacanka iyadoo u soo bandhigaysa hindisayaal iskaashi dhaqaale, is-dhexgal goboleed, iyo dhisidda qaab-dhismeed amni oo maxalli ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay The Cradle in Iran ay waddo dedaallo iskaashi oo dhammaystiran oo ay la yeelanayso Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar, iyo Cumaan. Tani waxaa ka mid ah iskaashi dhaqaale iyo isku-waafajin arrimaha muhiimka ah ee gobolka, laga soo bilaabo Yemen ilaa Suuriya iyo Ciraaq.

Mowqifka Tehran wuxuu waafaqsan yahay aragtideeda ay mudada dheer ku celcelinaysay: Amniga Gacanka Beershiya waa in ay go’aamiyaan dawladaha iyo dadka ku teedsan – ee uusan go’aamin ajandayaal shisheeye.

Isbahaysi cusub oo gacanka ah oo qaabaysmaya

Tani hadda ma aha sheeko Sucuudiga oo keliya ku kooban. Imaaraadku wuxuu ballaarinayaa iskaashiga dhaqaale ee uu la leeyahay Tehran, isagoo isla markaasna ilaashanaya xiriir amni oo furan.

Qatar waxay sii waddaa xiriir diblomaasiyadeed oo adag oo ay la leedahay Iran, iyadoo sumcaddeeda u adeegsanaysa inay dhexdhexaadiso wadahadallada muhiimka ah ee gobolka. Cumaan waxay weli tahay buundada lagu kalsoon yahay iyo dhexdhexaadiyaha aamusan ee gobolka.

Diblamaasi Carbeed oo lagu soo wargeliyay horumarradii ugu dambeeyay ayaa u sheegay The Cradle: “Kulamada soo socda ee Gacanka iyo Iran waxay diiradda saari doonaan marinnada Hormuz, isku-dubbaridka tamarta, iyo arrimaha kale ee gobolka. Waxaa jira is-afgarad sii xoogaysanaya oo ah in heshiis lala gaaro Iran uu albaabka u furayo marxalad xasilloon oo ka dhalata Gacanka.”

Isbeddelladan dhexdeeda, Israel waxay isku aragtay in gobolka laga go’doomiyay – mashruuceedii ahaa in la abuuro isbahaysi ka dhan ah Iran ayaa burburay. Heshiisyadii Abraham Accords ee uu Maraykanku garwadeenka ka ahaa – oo mar loo buunbuuniyay guul istiraatiijiyadeed – hadda ma soo jiitaan wax ka badan danayn la’aan edeb ku dheehan tahay oo ka jirta Gacanka, iyadoo xitaa dalalkii hore u saxiixay ay ka laabanayaan ka qaybgalkoodii.

Madaxda siyaasadda ee Riyadh hadda si furan ayay u su’aalayaan faa’iidada heshiis lala galo Israel. Sida Tel Aviv ay dagaalkeeda uga waddo Gaza, dadweynaha Gacanka ayaa codkoodu sii xoogaysanayaa, madaxda Sacuudiguna waxay noqonayaan kuwo aad uga taxaddara.

Mowqifka Sucuudigu waa mid aan afka laga sheegin laakiin si cad loo dareemi karo: Tel Aviv hadda ma dammaanad qaadi karto ammaan, sidoo kalena looma arki karo albaabka laga galo xasilloonida gobolka.

Danta oo ka guuleysaneysa caqiidada

Isku-soo-dhowaanshaha Sacuudiga iyo Iran ma aha mid ku dhisan fikir – waa mid ku salaysan dano dhab ah oo siyaasadeed (realpolitik). Sida uu diblamaasi kale oo sare oo Carbeed u sheegay The Cradle: “Riyadh waxay iska tuuraysaa dhalanteedkii.

Wada-hadal lala yeesho deriska – ee maaha isbahaysi lala yeesho Washington iyo Tel Aviv – ayaa hadda ah waddada lagu ilaashanayo danaha Sacuudiga. Tani waxay hadda ku saabsan tahay xaqiiqooyin, ee maaha daacadnimo hore. Iran hadda waa qayb muhiim ah oo ka mid ah isla’egta amniga Gacanka.”

Fikirkii ahaa “Gacanka vs. Iran” wuu sii libdhayaa. Dagaalkii ugu dambeeyay wuxuu dardargeliyay isbeddel muddo dheer soo socday: burburka Pax Americana iyo soo bixitaanka nidaam goboleed oo dhinacyo badan leh (multipolar regionalism). Gacanku wuxuu marayaa waddo cusub – mid aan ku xirnayn awaamiirta Maraykanka iyo Israel.

Maanta, Sacuudigu uma arko Tehran inay tahay khatar ay tahay in la baabi’iyo, laakiin wuxuu u arkaa awood ay tahay in lala macaamilo. Qaab-dhismeedyada amniga gobolka ayaa hadda laga dhisayaa gudaha. Dhanka kale, Israel, inkastoo ay ku celceliso hadallo badan oo ku saabsan “Bariga Dhexe” oo Tel Aviv hoggaaminayso oo ay Carabtu la safan tahay, waxay ku dhibtoonaysaa inay muhiimadeeda ilaaliso.

Haddii isbeddelladani sii jiraan, waxaan maraynaa geesta isbeddel taariikhi ah – mid laga yaabo in ugu dambayn u oggolaan doona Gacanka Beershiya inuu qeexo amnigiisa iyo madaxbannaanidiisa, si waafaqsan shuruudihiisa.

Tani ma aha mustaqbal ku dayasho mudan. Laakiin waa horumar istiraatiijiyadeed oo laga gaaray tobanaan sano oo daacadnimo indho la’aan ah. Sacuudigu wuxuu u jeesanayaa Iran – maaha jacayl darteed, laakiin waa caqli iyo dani ku qasabtay.

- Advertisement -

Read more

Local News