26.3 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Riyadii 4.5 ee Muqdisho oo run u dhow (Xamar oo duulaan lagu yahay)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordheysa cabsida dadka deegaanka Muqdisho ay ka qabaan in magaaladoodii ay noqotay magaalo taladeeda loo gacan geliyo dad aan deegaanka u dhalan, ayada oo laga dhabeynayo hamigii ahaa “Muqdisho waa la wada leeyahay”

Arrintan ayaa sii xoogeysatay shalay kadib markii xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir loo magacaabay Subeyda Maxamed Mukhtaar oo u dhalatay beesha Digil iyo Mirifle ee degta gobollada Bay iyo Bakool.

Xaqiiqda ayaa ah inaysan jirin hal degmo oo Muqdisho ka mid ah oo beelaha Digil iyo Mirifle ay si buuxda u degaan, waxaana ay layaab ku noqotay dad badan oo reer Muqdisho ah markii lagu dhawaaqay magacaabistan.

Cabsida hadda jirta ayaa ah in xilalka gudoomiyayaasha degmooyinka ee Muqdisho ay kasoo dhex muqudaan dad kasoo jeeda beelo aan gobolka deegaan iyo dhalasho u lahayn, taasi oo hadda suuqa ku jirta.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xilalkaas loo qeybin doono habka 4.5, taasi oo ay ku taamaayaan madaxda sare ee dalka iyo hoggaanka cusub ee maamulka gobolka Banaadir.

Arrintan oo markii hore u muuqatay mid kaftan iyo wax aan macquul ahayn ah, ayaa qof walba garowsaday inay suurta-gal tahay kadib markii magacaabista Subeyda ay run noqotay shalay, xilli dadka Muqdisho ay yihiin dad wax kasta oo lagu sameeyo iska qaata, kuna fadhi ku dirira.

Beelaha aan gobolka u dhalan ayaa muddo waxay wadeen qorshe ah in Muqdisho ay tahay caasimad, sidaas darteedna aysan beel gaar ah ku koobneyn maamulkeeda.

Riyadaas ayaa hadda u muuqata inay dhab noqoneyso, kadib isbeddelkii ku yimid hogaanka sare ee dalka, ayada oo siyaasiyiinta Muqdisho u dhashay ee dowladda ku jirana ay noqdeen qaar aan damqasho iyo dadnimo lahayn, iyo qaar xilkooda ilaashada oo aan hadli karin.

Magaalada Muqdisho, ayaa in la wada leeyahay laga soo billaabay markii xuquuqdeedii federaalka la diiday, taasi oo markii dadkii deganaa ay aqbaleen, ayaga oo ka dhiidhin waayey sahashay in hadda lagu taamo in dadkii deegaanka ay u talayaan dad aan magaalada u dhalan oo meelo kale ka yimid.

Haddii riyadii 4.5 ha lagu qeybsado Muqdisho ay sanado ka hor ahayd wax aan lagu fakari karin, ha u daymo la’aan waxa soo socdo maalmaha dhow.

Caaismada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News