Muuqaal: Maxay ka wada hadli doonaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Turkiga?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku aaday dalka Turkiga kadib markii uu casuumaad ka helay madaxweynaha Turkiga.

Kulan xasaasi ah ayaa wuxuu Magaalada Ankara ku dhex mari doonaa Labada Madaxweynam iyadoo la rajeenayo inay kala saxiixdaan heshiiyo cusub iyo kuwa ay dowladdii Xasan Shiikh bilowday.

Haddaba wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad ayaa faahfaahin ka bixiyey safarka madaxwyene Farmaajo ee Turkiga iyo ujeedka ka dambeeyo, wuxuuna  sheegay in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga ay hoggaamin doonaan wada hadalo labada dal dhex mari doona.

“Labada Madaxweyne ee Turkiga iyo Soomaaliya waxay hoggaamin doonaan wada xaajood dhex mari doona labada dhinac, waxaa la saxiixi doonaa heshiisyo cusub oo dhex mara labada dowladood, xoojinta xiriirka labada dal”ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Haddaba halkaan hoose ka fiirso muqaalka warbixinta ku saabsan shirkaan