Rooble oo amar cusub kasoo saaray doorashada kuraastii laga wareejiyey Garbahaarey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aankii guddiga doorashooyinka ee heer federaal ay ka gaareen doorashada kuraastii Garbahaarey, taasi oo loo wareejiyay degmada Ceelwaaq ee isla gobolka Gedo.

Rooble ayaa sidoo kale waxa uu kuu booriyay guddiga SEIT ee Jubbaland iyo dowlad goboleedka Jubbaland inay si dhaqso ah u soo dhameystiraan kuraasta ku dhiman.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble isagoo tixgalinaya xaqa matalaadda dadka Gobolka Gedo iyo ahmiyadda dhammaystirka doorashada wuxuu bogaadinayaa soona dhaweynayaa go’aanka Guddiga Doorashooyinka FEIT ee ku aaddan deegaan doorashada 2aad ee Jubaland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Hadalka Rooble ayaa imanaya kadib markii Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal uu goor sii horeysay oo maanta ah ku dhowaaqay in doorashadii 16-ka kursi ee magaalada Garbahaarey loo wareejiyey magaalada Ceelwaaq ee isla gobolka Gedo.

Guddiga ayaa sheegay inuu go’aankan gaaray markii uu arkey inay lagama maarmaan tahay 16-ka kursi ee taalla Garbahaarey inaysan ka harin hanaanka doorashada dalka, xilli maanta la dhaariyey xildhibaanada cusub.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay caqabado amaan ku hor gudban yihiin inay doorasho ka qabsoonto Garbahaarey, islamarkaana maamulka Garbahaareey ay diideen in xubno ka socda Guddiga FEIT ay ku tagaan booqasho loogu kuur-geli lahaa in la soo hubiyo xaaladda Amniga magaalada Garbahaarey.

Guddiga ayaa xusay in go’aankiisa ay qeyb ka aheyd markii uu arkey cabashooyinka beelaha kuraastoodu taalla magaalada Garbahaarey.

Si kastaba, Go’aanka guddiga ayaa waxa si weyn u soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, lamana oga sida ay uga fal-celin doonaan maamulka Garbahaarey ee hoostaga Villa Somalia, kaasi oo hubanti la’aanta amni ee halkaas ka taagan horseed u ah.