26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

ROOBLE oo digniin ka soo saaray doorashooyinka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan gaar ah  la qaatay guddiyada doorashooyinka dalka ayaa soo saaray digniin la xiriirta doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Rooble ayaa uga digay guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed inay ku milmaan arrimaha siyaasadda ee taagan, wuxuuna tilmaamay in shaqadooda ay tahay kaliya jiheynta doorashooyinka 2021-ka ee haatan socda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in guddiyada doorashooyinka looga baahan yahay in ka shaqeeyaan cadaaladda, ayna ka madax banaanadaan maamul goboleedyada

“Habraacyada iyo heshiisyada doorashooyinka waxaa ku xusan madax banaanida gudiyada waxaa aan idin kaga digayaa ku milanka siyaasadda, saddexda guddi waxa aan ka rabaa in aysan ku milmin madaxda dowlad goboleedyada, cadaaladda & xalinta khilaafaadka ayaan rabnaa marweliba,” ayuu yiri ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Rooble ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim tahay in la raaco  shuruucda iyo habraacyada loo dejiyay doorashada, si ay u noqoto mid hufan oo cadaalad u dhacda.

Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan ay cabasho xoogan ka taagan tahay kuraasta Golaha Shacabka ee doorashadooda ay ka bilaabatay dalka.

Si kastaba, xubnaha mucaaradka oo dhankooda isha ku haya qaabka ay hadda ku socota doorashada ayaa ku goodiyey inay qaadi doonaan tallaabooyin kale, ayna soo dhisi doonaan dowlad cusub, haddii aan wax laga bedelin qaabka ay haataan wax ku socdaan.

- Advertisement -

Read more

Local News