Daawo: Beeshii labaad oo shaacisay inay ka baxayso maamul Galmudug + Sababta

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxgaradka Mareexaan oo ka soo hor jeeda boob ay sheegeen in lagu sameeyey kursigoodii golaha shacabka ee HOP#054 ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb, waxayna sheegeen in la boobay kursigooda, iyagoo ku goodiyey in aysan aqbali doonin, wixii maanta ka dhacay Dhuusamareeb.

Kursigaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay uu ku dhafiyey Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire ayaa maanta doorashadiisa lagu qabtay Dhuusamareeb, waxaana la shaaciyey in mar kale uu ku soo baxay Cabdishakuur Cali Mire oo ah nin siyaasad ahaan aad ugu dhaw madaxweyne Farmaajo.

Waxgaradkii maanta saxaafadda kula hadlay Dhuusamareeb waxay sheegeen in Cabdishakuur ay doorteen dad aan ka dhalan beesha iyo askar, sida ay hadalka u dhigeen, waxayna cadeeyeen in aayaha kursigaas ay u tasha doonaan.

“Musharaxiinta Mareexaan ee u tartameysa seddax kursi ee soo hartay, qofkii aan dooneyn inuu wax boobo ha aado Caabudwaaq iyo Balambal, halkaas ayaan aayaheena uga tahsaneynaa, Galmudugtii aan garbaha ka taagneyn ayaa na boobeysa, cid sanka naga toli karta ma jirto,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Mareexaan.

Waxa uu shaaca ka qaaday in shir weyn ay beesha Mareexaan ku qabsan doonto magaalada Caabudwaaq maalmaha soo socda, “Galmudug sidaan ugama sii mid ahaan karno, musharaxiinta beesheena ha tageen Caabudwaaq, halkaas ayaan ku dooraneynaa kuraasteena.” ayuu yiri.

Waa beeshii labaad oo ku goodineysa inay isaga baxeyso maamul goboleedka Galmudug, kadib markii la boobay kuraastooda, Mareexaan iyo Wacaysle, waxay sheegeen in kuraastoodii loo boobay Yaasiin Farey iyo Cabdishakuur Cali Mare oo ah laba nin oo Farmaajo aad ugu kalsoon yahay, iyagoo ka dhiidhinaya boobkaas ayey hoggaanka beelahaas shaaciyeen inay isaga bixi doonaan Galmudug oo aayahooda ay ka tashan doonaan.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee beesha Mareexaan