Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay bannaanbax kale oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, kadib markii uu fashilmay bannaanbixii shalay.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo shir jaraa’id ku qabtay Hotel Jazeera ayaa sheegay in bannaanbaxan uu 16-ka bishan May ka dhici doono magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Dowladda Federaalka ayaa horey 10-kii bishan ugu fasaxday mucaaradka inay si nabad ah ugu mudaharaadaan garoonka Eng. Yariisow, inkastoo mucaaradku ay ku eedeeyeen hoggaanka dowladda inuu carqaladeeyay bannaanbaxaasi.
Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Guuleed oo ka hadlay shirka jaraa’id ee mucaaradka ayaa sheegay in dowladda ay ku talo-gashay inay disho, isagoo hoggaanka dowladda ku eedeeyay inay amar ku bixiyeen in la toogto siyaasiyiinta mucaaradka.
“Waxay saraakiisha ciidanka si cad noogu sheegeen in amar lagu siiyay haddii aan soo baxno in nala dilo. Annaga waa soo bixi karnay, laakiin waxaan diidnay inuu dhaco dhib iyo in ay rumoowdo beentii Xasan Sheekh dadka ka gadayay ee ahayd nimankaan waa kuwo hubeysan oo dagaal u socda,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre ayaa dhankiisa ayaan-darro ku tilmaamay in siyaasiyiintii uu shalay safka kula jiray Xasan Sheekh uu maanta dhiiggooda bannaysto, isagoo si cad u sheegay in hoggaanka mucaaradka ay diyaar u yihiin geeri.
“Xasan wuxuu ku talo-galay inuu dhiigeenna bannaysto,” ayuu yiri siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo isna ka hadlay shirka jaraa’id ee mucaaradka.
Si kastaba, maalmihii u dambeeyay kooxaha mucaaradka ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyadooda, waxayna bilaabeen inay dibadbaxyo ka dhan ah dowladda sameeyaan, iyagoo soo abaabulaya shacabkii laga barakiciyay dhulalka danta guud ee caasimadda.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad xasaasi ah, waxaana si weyn la iskugu hayaa hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka, oo dowladdu sheegtay inuu dhaqan-gal noqday.

