Ra’iisul wasaare ROOBLE oo fara-geliyey dagaalka wasiir Xamza iyo Khadiija Diiriye

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu dambeyn isu keenay wasiirada gargaarka iyo ciyaaraha Xamza Saciid Xamza & Khadiijo Maxamed Diiriye oo uu dagaal afka ah dhex-maray.

Kulanka oo ka dhacay hoyga ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu dhammeeyey khilaafka soo kala dhex-galay labada wasiir oo horey loogu kala bedalay wasaaradaha, kuwaas oo hadallo kulul isku mariyey warbaahinta iyo sidoo kale baraha bulshada ee Internet-ka.

Wasiir Xamza oo faah faahiyey kulankan saddex geesoodka ah ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday inay si wadajir ah uga heshiiyeen wixii dhacay isaga iyo Khadiija Diiriye.

“Waxaan hoyga ra’iisul wasaaraha kula kulmay walaashey wasiir Khadiijo M. Diiriye oo aan is cafinay, si wadajr ahna aan uga heshiinay wixii horey u dhacay,” ayuu yiri Xamza.

Dhankeeda wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay kulankan oo uu qaban qaabadiisa lahaa ra’iisul wasaare Roobe, waxaana ay sheegtay inay qaadatay raalli-gelin, isla-markaana ay cafisay wasiir Xamza Saciid.

“Madaxdeyda qaranka kama weyni raalli-gelina waa qaadasho, walaalkey Hon Xamza cafis baa iga tahay Aboow,” ayey iyaduna tiri wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Dagaalka labada wasiir oo hadal heyn badan dhaliyey ayaa yimid, kadib markii wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka ah ee  Soomaaliyauu sheegay in markii loo magacaabay wasaaradda uu waayey xafiis uu ku shaqeeyo, sidoo kalena uu u tegay shaqaalihii oo fasax isaga maqan ku dhawaad laba sano ah, mushaarna iska qaadanaya, taas oo shaqa badan kadib uu sheegay in hadda uu wax badan ka bedelay.

Wasiir Khadiija Diiriye oo hadalkaas ka carootay ayaa dhankeeda ka soo jawaabtay, waxayna wasiir Xamza Saciid Xamza ku eedeysay in markii la bedelay uu horay u sii kaxeystay, oo ‘soo celi laga kari waayey gaari ay leedahay wasaaradda gargaarka’.