ROOBLE oo mowqif kasoo saaray kiiska badda kadib kulankii Raychelle Omamo + Safar uu ku tegayo Nairobi

Muqdisho (Caasimada online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta xafiiskii ku qaabilay Wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya, Raychelle Omamo ayaa shaaciyey in Kiiska badda uu yahay arrin lama taabtan ah.

Qoraal kasoo baxaya xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble marnaba uusan ka tallaabsan doonin go’aanka laga sugayo maxkamadda caalamiga ee caddaalada, islamarkaaana uu ku adkeysanayo in murankaas aan laga geli karin wax wada-hadal ah.

“Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada,” ayaa lagy yiri qoraalka xafiiska Rooble.

Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in Rooble iyo Omamo ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata, si uu booqasho ugu tego caasimada dalkaas ee Nairobi.

Labada Dal ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa ah laba dal oo deris oo ay ka dhexeeyaan dano badan sida; diblomaasiyadda, amniga iyo arrimaha dhaqaalaha. Waxaa dhawaana meesha laga saaray mad-madow soo dhex-galay xiriirkooda.

Arrintaan ayaa imaneysa xili ay saacadihii u dambeeyay soo baxayeen warar maran-habaabin ah oo la xiriira in Ra’iisul wasaaraha uu wada-hadal ka geli doono kiiska badda, kaasi oo ay Kenya si bareer ah ku sheeganeyso qeybo kamid ah baddeena. Wararkaas ayaa la sheegay inay ka dambeeyaan kooxda xafiiska madaxweyne Farmaajo.