Rooble oo u gooyey casho sharaf loogu sameeyey madaxtooyada Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa u gooyey xaflad casho sharaf sagootin ah oo loogu sameeyey Aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe, taasi oo ka yaabisay dadka Puntland.

Rooble ayaa taa beddelkeeda waxa uu booqasho ku tegay qaar ka mid ah goobaha dadweynaha ee Puntland.

Qoraal uu soo dhigay facebook ayuu Rooble ku yiri “Waxaan caawa waqti la qaatay shacabka magaalada Garowe oo aan ugu tagay goobaha bulshadu ku kulmaan iyo xarumahooda ganacsiga. Waxaan kula dardaarmayaa in ay ilaashadaan nabadda iyo horumarka ay haystaan, ugana mahadceliyay soo dhaweyntii diirraneyd ee aniga iyo wafdigeyga.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Rooble uu xubno ku dhow u sheegay in haddiiba aysan heshiis siyaasadeed gaarin isaga iyo madaxda Puntland, aysan jirin sabab uu uga qeyb-galo xaflad casho sharaf ah.

Si kastaba, arrinta layaabka leh ayaa ah in Rooble uusan madaxda Puntland u sheegin inuusan ka qeyb-galeyn xafladda, islamarkaana uu gooyey xilli la sugayey, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan madaxtooyada Puntland u sheegeen Caasimada Online, taasi oo masu’uulyad iyo xushmad darro lagu qeexay.

Xafladda ayaa waxaa si kastaba ka qeyb-galay inta badan wafdigii wasiirada ahaa ee Rooble ku wehliya safarka Garoowe.

Dhinaca kale, warar ayaa sheegaya in Rooble laga soo amray madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho, laguna war-geliyey inuusan tegin xafladdaas, kadib markii uu hirgeli waayey qorshihii Puntland looga raadinayey heshiis aysan qeyb ka aheyn Jubaland.

Hoos ka daawo booqashada Rooble ee goobaha dadweynaha