Rooble oo war kasoo saaray khilaafka doorashooyinka ee siyaasiyiinta Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo galabta jeediyey khudbad uu uga hadlaayey arrimaha doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa soo hadal qaaday khilaafka salka ku haya doorashada ee u dhaxeeya siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay inuu wado wadatashiyo ku aadan arrinta Somaliland, isla markaana meel fiican ay marayaan wadahadalladu.

“Waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed inaan warbixin ka siiyo arrinta Somaliland meel fiican ayey ii mareysaa, wadahadallo ayaa noo socda siyaasiyiinta, arrinta Somaliland aniga ayaa la ii xil saaray, sida ku cad heshiisyadii laga gaaray doorashada, xal ayaa laga gaarayaa, anigoo la tashanaaya guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul wasaare Mahdi Guuleed, quluubtiina kheyr u sheega,” ayuu yiri Rooble.

Khilaaf xun ayaa ka taagan doorashada guddoonka xubnaha guddiga ah ee maamuli doona doorashada xildhibaanada baarlamaanka federaalka ka soo gelaya Somaliland, waxayna haatan 11-kii xubnood ee guddigaas u kala jabeen laba garab, iyagoo kala doortay laba guddoon iyo ku xigeenadooda.

Guddiga doorashada kuraasta Somaliland ayaa u kala jabay 7-xubnood oo taabacsan siyaasiyiinta uu hogaaminayo Mahdi Guuleed iyo 4-xubnood oo taabacsan garabka kale ee uu hoggaaminayo Cabdi Xaashi.

17-kii bishaan qoraal ay soo saareen Xildhibaanada gobollada waqooyi garabka taabacsan guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ra’iisul wasaare Rooble loogu jeediyey eedeeyn ah inuu ku guul-darestay inuu ficil ahaan uga dhabeeyo ballanqaadyadii uu sameeyay iyo gudashada masuuliyaddii lagu aaminay ee habsami u socodka howlaha doorashooyinka Qaranka iyo tan xildhibaanada labada Gole ee Somaliland inay u dhacdo si xor iyo xalaal ah.

“Sida an dhigayo heshiiskii 27 May waxaa masuuliyadda xalinta khilaafka taagan iyo isku dubaridka habsami u socodka doorashada xildhibaanada labada aqal ee Somaliland loo xilsaartay Ra’isulwasaaraha. Waxaanu filaynay in Ra’iisul wasaaruhu arrintaas si degdeg ah u guda-geli doono oo isugu yeedhi doono Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka si looga wada arrinsado xallinta khilaafka iyo turxaan-bixinta hannaanka doorashooyinka xildhibaanada Somaliland. laakiin nasiib darro taasi ma dhicin Ilaa maanta oo ay kasoo wareegtay bil iyo 20 cisho,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkii xilligaas ka soo baxay siyaasiyiinta waqooyi garabka Cabdi Xaashi.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in xiligaan uusan laheyn wax han siyaasadeed ah, isla markaana uu u tanaasulay danta shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteedna uusan ogolaa doonin, uuna codsanayo in meel looga soo wada jeesto qof kasta oo isku daya ama shaki geliya howlaha doorashada ee socda.

“Shacabka Soomaaliyeedow ducadiina waa masoo gaartay, sidii aan horay idinkugu sheegay Xildhibaan uma socdo, Senator uma socdo, oo madaxweyne ma rabo, dartiin ayaan u tanaasulay, hadii aana taasulin doorasho cadaalad ah ma qabanayo, marka waxaan rabaa inaan meel uga soo wada jeesano qof kasta oo isku daya inuu caqmrqaladeeyo howlaha wanaagsan ee socda, waxaan leeyahay siyaasiyiinta cayaartu waxay ka socotaa gobollada, doorashada labada Aqal waa ay bilaabatay, tan Madaxweynaha waxaan is arki doonaa October,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.