Rug cadaa saxaafadeed qalinkiisa dhibcanayay 40 sano oo Somalia ay weysay

Innaalilaahi wa-inaa Ileyhi Raajucuun, ma dhinte waa Illaahey, waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday rug cadaa Saxaafadeed, qoraa hal abuure, macallin saxaafadeed, Aweys Xasan Xuseen (Aweys Shiino). Wuxuu ahaa qoraa iyo saxafi rasmi ah waagii hore iyo waqti xaadirkaanba, waxaan u maleynayaa inuu dalka ku yar yahay qof isagoo kale ah ama doorkiisa ciyaari karo.

Wuxuu ahaa aqoonyahan iyo indheergarad buuxiyay qiyaamka iyo heybadda xirfaddiisa oo weliba u sii dheer yihiin muhiibada aqoonta guud iyo midda gaar ahaaneed ee hab qoraalka. Asluub, anshax iyo xadaarad, waxay ugu dhammeystirnaayeen hab dhaqankiisa guud, xiriiradiisa ijtimaaciga ah iyo weliba dhammaan noloshiisa oo idil.

Aweys Shiino allaha u naxariistee afartan sano hadeysan ka badneyn qalinkiisa wuxuu ahaa mid dhibcanayay, kana soo shaqeeyay wargeyskii Xiddigta Oktobar ee Dowladdii Kacaanka oo qoraaladiisa lagu daabaici jiray, sheekooyinkiisana bulshada aad u jeclaayeen, iyo wargeysyadii burburka kadib. Isagoo ka dhowrsanaa in qalinkiisa dhibaato dhaliya ama la oran karay inuu wax ku dhiso mooyee aanu jecleyn in loo soo raad raacdo qormo uu sameeyay.

Waxaan ku xasuustaa nasiibna u yeeshay inuu ahaa saaxiib mar lasoo shaqeeyay aabahey Muxiyaddiin Cali oo ka wada tirsanaayeen Wargeyskii Xiddigta Oktobar, markii uu aabo geeroyoodayna isla wargeyska Xiddigta Oktobar iskala soo shaqeeyeen ninkii reerka noogu weynaa Maxamed Muxiyaddiin, marna aanu aheyn saaxiib, talooyinka iyo hoga-tusaaleynta anshaxa suxufinimo ka qaadan jiray intii aan ka shaqeynayay saxaafadda gaar ahaan wargeyska xiddigta Panorama oo qoraaladiisa inta badan ku daabici jirnay.

Aweys Shiino waxaan ku tilmaami karaa inuu ahaa shaqsi diinta jecel, heer magaal xadaarad fog, nabadda jecl, afgaabnaa, una hiiliya dadka codkooda la maqal.

Dhab ahaantii waa la hubaa qof kasta oo yaqiin Aweys Shiino inay taabanayso ama ka marugoonaayo geeradiisa. Alle ha ku maneysto naxariis iyo jannadii Fardowsa. Qoyskii, qaraabadii, saaxiibadii iyo intii taqiin samir iyo iimaan Allaha weyn haka siiyo.

Ali Muhiyaddiin
Muxiyaddiin@hotmail.com