25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Gullit: Torres wuxuu u muuqdaa inay kaga dhamaatay Chelsea.

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Xidigii hore ee kooxda Chelsea Ruud Gullit ayaa ugu baaqay Fernando Torres inay soo idlaatay xirfadiisii ciyaareed ee gegeda Stamford Bridge, ka dib markii uu weeraryahanka reer Spain ku guul darreystay inuu goolal u dhaliyo Blues, isagoo xilli ciyaareedkaan shabaqa soo taabtay afar jeer.

28 jirkaan ayaa dhib ka heystay afaafka goolka inkastoo uu kusoo bilowday kulan walba oo Premier League ah ee xilli ciyaareedkaan kooxda Roberto Di Matteo. Sida ay ogaatay shabakada Goal.com kooxda ayaa wadahadalo la furtay ninka ay u aragto bedelkiisa ee weerarka uga ciyaara Atletico Madrid Radamel Falcao.

“Chelsea waxay dooneysaa inay Torres fursad siiso. Miyuusan helin fursad? Ma garanaayo,” ayuu ninka reer Holland u sheegay saxaafada.

“Wixii uu sameeyey sanadihii tegay intii uu u ciyaarayey Liverpool iyo Atletico Madrid ma aheyn wax caadi ah. Mana sameyn karo wax la mid ah. Ma garanaayo sababta, ma aqaan wax aan ku tilmaamo. Waa wax aan la fahmi Karin.

“Laakiin hadii uusan awoodin inuu goolal dhaliyo markaas Chelsea waxay u baahan tahay inay sameyso wax kale.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

- Advertisement -

Read more

Local News